crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laamiga Xareed oo dib loo furay! | HimiloNetwork

Laamiga Xareed oo dib loo furay!

MUQDISHO (HN) — Muuqaalka idin muuqda waa mid dhawaan-dhalad ku ah waddadan. Waase baahi hadiyo jeer loo dhibtooday heliddeeda. Waana natiijada ka timid quus iyo caalwaa laga joogay mushkilad ay waddani gaarkeeda ula jiiftay.  

Mana ahan mid kale ee waa qashinka iyo dhiiqada oo marwalba oo roobab mahiigaan ahi ka curtaan magaalada halkan ka dhiga biyo-dageen aan kaliya marti-gelin wasaqda iyo uskagga, balse suuqa yaraha intiisa kale ka xira suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay muqaalka ka jira halkan wuxuu ahaa mid aad u il-daran kaas oo dhibaato caafimaad iyo mid go’doonba ku lahaa nolosha iyo dhaqdhaqaaqa ka jira gudah suuqa.

Dadka ku ganacsada suuqa Xareed waxay dhibaato aan dhammaad lahayn u arkayeen qashinka iyo dhiiqada tuban laamiga kaas oo aan xil weyn la iska saarin hagaajintiisa.

Waxaa aad u kala duwanaa muqaalkii aan halkan ka qaaday saddex bilood kahor iyo midka aan saakay kasoo duubay. Farqiga u dhaxeeyana waa mid si weyn looga mahad-celin karo.

Gaadiidka ayaa si kastaba, awoodi kara inay adeegsadaan waddadan oo sannad ku dhow aysan dhicin in la dhex maro. Sidoo kale ganacsiyadii kale ee dhiiqada tuban laamiga awgiis aan awoodi karin inay howl-galaan ayaa hadda albaabada loo furay.

Bajaajyada qaar oo awal dhinacyada laamiga kaga dhici jiray suuqa intiisa kale, hadda waxay si dhibyar ah u isticmaalayaan  laamiga. Waxaa kale oo waddada dhinac taagan gaadiid waaweyn oo dejinaya xamuul iyo kuwa kale oo howlo nadaafadeed ka wada waddada.

Waa tallaab runtii mudan in looga mahadnaqo cid walba oo gacan ku lahayd suuragalinteeda.

Hayeeshe, waa hubaal la’aan la xiriirta inta uu sii jiri karo dhaqdhaqaaqa waddadan walaaca ugu weyn oo ay muujinayaan ganacsatada.

Maamulka degmada iyo kan gobalka, intuba, uma muuqdaan kuwa jawaab degdeg ah ka bixiya dhibaatada ilaa laga rejo-dhigo ama lala qabsado ku dul-shaqeynta dhibaatada.

Taniyo sannadkii 2015, waddadan waxay caan ku ahayd inay biyuhu fariistaan marwalba oo roobab xooggan ka da’daan caasimadda.

Dad badan waxay qabaan sida kaliya oo lagu hubsan karo xal-u-helidda mushkiladda ksuoo laablaabata halkan ay tahay dhismo adag oo lagu sameeyo laamiga sida muuqata u baahan in lala ekeysiiyo joogga labada isgoys ee Howlwadaag iyo Baar Ubax.

Haddiise aan qalqaalo loo sameynin xil iska saaridda dayactirka laamigan, qashinka oo goor dambe laga qaado iyo biyaha oo looga dhuuqo tubbooyinka ma damaanad qaadi doonaan dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka waddadan.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!