crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Militariga South Afrika oo laga ‘oggolaaday’ Xirashada Xijaabka. | HimiloNetwork

Militariga South Afrika oo laga ‘oggolaaday’ Xirashada Xijaabka.

MUQDISHO (HN) — Tallaab loogu yeeray mid taariikhi u ah Muslimiinta ku jira Xoogga Dalka Koofur Afrika, Haweeneyda lagu magacaabo Fatima Isaacs, ayaa ku guuleysatay in gabdhaha ku jira ciidanka loo ogolaado qaadashada xijaabka.

“Waxaan ku faraxsanahay in natiijada kiiskii na hor yiilay uu kusoo idlaaday guul, waxaana uga mahad-naqayaa bahda nagala shaqeysay suuragelinta,” ayay u sheegtay Cape Times.

“Waxaanu ku noolnahay dal dimuqraadi ah, taas oo ka dhigan inaysan jirin kala-sooc iyo takoor lagu sameyn karo qolo gaar ah iyo diin goonni ah intuba.”

“Tani waa guul aad muhiim inoogu ah,” ayay sii raacisay.

Go’aanka lagu gaaray in haweenka Muslimiinta ah loo ogolaado xirashada xjaabka, wuxuu ka dhashay saddex sano ku dhawaad oo Fatima ay dagaal ugu jirtay in loo ogolaado ama xijaabka laga mid dhigo uniform-ka ciidamada.

Bishii June, 2018 waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay jebisay xeer-labiska ciidanka madaama ay xijaab ku daratay. Laakiin, dood dheer iyo maritaanka sharci kaddib, waxaa lagu guuleystay in xijaabka laga mid dhigo dareenka ciidanka.

Guddiga Muslim Judicial Council ayaa soo dhaweeyey go’aankaas.

Marka loo eego tirakoobkii 2010, Muslimiinta SA waxaa lagu qiyaasaa inay 1.5% ka yihiin tirada guud ee waddanka. Badi Muslimiinta ku nool waxay ka kooban yihiin Coloreds iyo Asian.

Waxaa jiray dhowr halgan oo ugu dambeyntii ay ku guuleysteen haweenka Muslimiinta ah inay xiran karaan xijaabka.

Bishii Nov 2019-ka, sarkaal booliska oo ku nool Trinidad an Tobago ayaa lagu abaalmariyay 185,000 oo magdhow ah kaddib markii ay kala sooc iyo takoor kula kulantay xirashada xijaabka xilli ay ku guda-jirtay shaqadeeda.

Sannadkii 2016-ka, Turkiga ayaa oggolaaday in xijaabka laga mid dhigo dareenka ciidanka booliska.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!