crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid kuwa ‘Gaajada la jiifa’ siinaya Cunnooyin. | HimiloNetwork

Masjid kuwa ‘Gaajada la jiifa’ siinaya Cunnooyin.

MUQDISHO (HN) — Masjidka Bristol, isaga oo kaashanaya urur kaalmeeya magan-doonayaasha, wuxuu cunnooyin bisil la gaaraya qoysaska danyarta ah

“Masjidka Easton Jamia wuxuu mar walba safka hore kasoo gaala gurmadka iyo u fidinta gacan aadminimo bulshada kuweeda baahan,” ayuu yiri Abdul Malik, oo hoggaanka u ah Guddiga.

“Waxaan si dhow ula shaqeyna ururrada bixiya deeqaha cunnooyinka si aan kaalinteenna uga soo baxno.”

Horraantii toddobaadka, Masjidka ayaa cunnooyin bisil gaarsiiyay qoysas danyar ah oo si weyn ugu saamoobay xayiraadda Xanuunka Corona.

Waana tallaab ay si midaysan iskaga kaashanayeen masaajidda iyo ururrada samafalka ah ee ka dhisan UK si aan gaajada looga tagin kuwa baahan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!