HomeWararkaMaalinta Caalamiga ee Wax-barashada.

Maalinta Caalamiga ee Wax-barashada.

MUQDISHO (HN) — Wax-barashadu waa xaq insaani ah; mas’uuliyad iyo sharaf naga wada dhaxaysa.

Kal-fadhiga Guud ee QM, ayaa 24 Janaayo sannad kasta u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ah ee Wax-barashada si loogu dabaal-degga kaalinta tacliintu kaga jirto nabadda iyo horumarka.

Helid la’aanta fursado wax-barasho oo loo siman yahay, waxay xagal-daacinaysaa dadaallada dalal badan ay ugu jiraan ciribtirka saboolnimada.

Maanta, 258 milyan oo carruur iyo da’yar isugu jira ayaan dhigan dugsiyada; in ka badan 600 oo milyan waxaa ku adag inay leyliyaan xisaabta ama fahmaan; halka 40% gabdhaha ku nool dhulka saxaraha ka hooseeya aysan helin wax-barashada dugsiga sare.

Waxaa kale oo jira 4 milyan oo carruur ah oo ku nool xeryaha qaxootiga kuwaas oo aan dhigan wax dugsi ah. Waxaana ay taasi kahor imaanaysa xuquuqda aadanaha.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments