crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Milatariga Shiinaha oo Mashruuca Dhir-beerista Qaran ku biiray! | HimiloNetwork

Milatariga Shiinaha oo Mashruuca Dhir-beerista Qaran ku biiray!

Muqdisho (Himilonetwork) – Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay 60,000 oo militarigeeda kamid ah u qoondeysay inay ka qeyb noqdaan mashruuca dhir-beerista – dadaal lagu doonayo inay looga hortago wasaqeynta hawada – si kor loogu qaado baaxadda keymaheeda.
Cutubyo kamid ah  People’s Liberation Army, oo ay wehlinayaan xoogaga ciidamada booliska ayaa loo daabulay dhinaca waqooyiga ee dalka Shiinaha si ay u qabtaan howl ka duwan middii loo tababbaray.
Badigood waxaa lagu beegi doonaa gobalka Hebei oo dhacda hareeraha caasimadda Beijing, marka loo eego Asian Times. Goobtan waxaa loo doortay kaalinteeda la xiriirta sida ay u yareyn karto hawada kusii xumaaneysa caasimadda.
Fikradda ayaa ah mid shacbiyad ku dhex leh ciidamada miltariga Shiinaha oo aad qeyb uga qaata dhir-beerista iyo badbaadinta degaanka.
Waxay tani kamid tahay qorshaha Shiinaha uu ku doonayo inuu beero dhul gaaraya cabbir ahaan 84,000 square kilometres – oo la siman badka dalka Ireland, dhamaadka sannadkan.
Hadafku waa in la kordhiyaa dhulka keymaha oo hadda ah 21% lagana dhigo 23% dhul-weynaha Shiinaha sannadka 2020, sida laga soo xigtay China Daily.
Zhang Jianlong, oo madax ka ah waaxda dhireynta Shiinaha ayaa sheegay in 2035 ay doonayaan in 26% gebi ahaan laga dhigo keynta lagu beeray geedo badan.
“Shirkadaha, ururrada iyo shaqsiyaadka hibada u leh degaanka waxaa loogu yeeraa inay qeyb ka noqdaan mashruuca,” ayuu yiri. “Iskaashiga dowladda iyo bulshada wuxuu ku jiraa mudnaanta koobaad ee howl-galkeenna.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!