HomeDunida MuslimkaGarsoorad Matta: "Waa inaad xifdisaan Suuradda al-Imraan."

Garsoorad Matta: “Waa inaad xifdisaan Suuradda al-Imraan.”

Muqdisho (Himilonetwork) – Garsoore Masiixiyad ah oo ku nool waqooyiga Lubnan ayaa saddex wiil Muslimiin ah amartay inay xifdiyaan Suurad kamid ah Qur’anka Kariimka ah kadib markii lagu soo eedeeyey inay aflagaado u geysteen Nabi Ciise hooyadiis Maryam.
“Sharcigu waa iskuul ma ahan xabsi,” ayay tiri  Joceline Matta.
Matta ayaa fartay saddexda wiil inay soo aqristaan Suuradda al-Imraan ee kamid ah Qur’anka oo Eebe uga sheekeeyey qisada Maryama iyo sidii ay karaamo uga leedahay Islaamka iyo sidoo kale aayadaha ka hadlaya Nabi Ciise CS.
Go’aanka garsoorka waxaa aad ugu riyaaqay RW dalka Lubnan – isaga oo soo dhaweeyey baaqeeda kuna tilmaamay mid isku soo dhaweynaya labada diimood.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments