crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta Dhalinyaro Muslimiin ah u soconayaan ‘nus malyuun tallaabo ah’! | HimiloNetwork

Sababta Dhalinyaro Muslimiin ah u soconayaan ‘nus malyuun tallaabo ah’!

MUQDISHO (HN) — Arday da’yar Muslimiin ah oo ku nool Canterbury, Kent, ayaa socday 500,000 oo tallaabooyin ah – dadaal ay ku doonayeen inay deeq ugu ururiyaan keydka cuntada si loo haqabeeliyo carruurta la jarmaadaysa gaajada aroor walba.

“Naadiga Dhalinyarada Canterbury waxay ku bilowdeen 15 xubnood, waxay isku taageen inay taakulo u raadiyaan carruurta da’yarta ah ee subax walba ku jarmaada gaajada” ayuu yiri Mohamed Ali Elassal, oo ah Guddoomiyaha Masjidka Canterbury.

“Inaan socno tallaabooyin intaas la’eg waxay noo ahayd wadiiqada ugu sahan oo aan ku dabooli karno baahida jirta kuna baraarujin karno bulshada inteeda kale.”

Socoshada nus malyuun tallaabo ah, waxay soo ururiyeen adduun dhan £951, taas oo kaafinaysa in ku dhow 500 oo qof cunnadooda.

“Kaalinta jiilka ardayda ahi ka qaateen taakulada dadka danyarta ah waxay awoodeynaysaa doorkooda kaga aadan bulshada iyo inaan cidna gadaal looga soo tegin.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!