crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Raadiyaha Caalamka. | HimiloNetwork

Maalinta Raadiyaha Caalamka.

MUQDISHO (HN) — 13 Febraayo sannad kasta waxaa la xusaa doorka Raadiyuhu ugu fadhiyo bulshada iyo sida loogu diirsaday adeegga warbaahineed oo uu ku yeeshay ilbaxnimada iyo xiriirka umaddaha.

Hal-ku-dhegga sannadkan, waxaa loo qaatay; New World, New Radio oo la micno ah Duni cusub iyo Raadiyo cusub.

Warbaahintu waa ikhtiraacaadkii ka hirgalay dunida qarnigii tagay bilowgiisa kaas oo si weyn loogu diirsaday. Sannadka kasta, bisha Febraayo 13-keeda, waxaa loogu asteeyey si loo weyneeyo xuska aas-aaska Raadiyaha Qaramada Midoobay ama United Nation Radio Day oo la aas-aasay sannadkii 1946-kii.

Taniyo sannadkii 2012-ka, QM ayaa u aqoonsatay maalintan mid loo dabaaldego kaalinta raadiyuhu ugu fadhiyo adduunweynaha. Waxaana sannad kasta loo qaataa hal-ku-dheg gaar ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!