crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qisada nololeed ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. | HimiloNetwork

Qisada nololeed ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

MUQDISHO (HN) — Wuxuu ahaa sheikh caan ah iyo xubin kamid ah Majmaca Culimada Somaaliyeed. Burburkii dalka iyo waqtiyadii adkaa ee waddanku soo maray, wuxuu qeyb ka ahaa dacwada iyo faafinta qeyrka iyo samaha.

Dad badan, laakiinse, waxay ku barteen kitaabadii uu ka aqrin jiray Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka Somaaliyeed halkaas oo sannadihii dhawaa uu kaga soo muuqan jiray si maalinle ah.

Dhugsanaanta iyo qunyar-u-qaadaa-dhigga tafsiirka iyo macaanidda aayadaha iyo kitaabadii kale oo uu marin jiray ayaa ka dhigtay shaqsi muuqiisa kahor maqalkiisu deeqo bulshada uu la hadlayo.

Noloshiisa inta badan wuxuu kusoo qaatay caasimadda Muqdisho. Wuxuu ahaa qof si dhow looga waraysto xaaladihii kala adkaa oo magaaladani soo martay. Tusaale nool iyo tiir dhexaad ay bulshada Xamar ku dhex barteen Masaajidda iyo goobaha lagu faafiyo kheyrka. Wuxuu soo saaray jiil badan oo isugu jira kuwa fool-ka-fool uga raacan jiray kitaabada; iyo qaar badan oo aan marnaba si toos ah ula kulmin, balse kaga xirnaa habka baahinta fog ee telefishanka iyo raadiyaha.

Wadaad koofiyad iyo ookiyaal madow ah hadiyo jeer kaga soo muuqda fogaan-aragga oo – in kasta oo nimcada aragga uusan helin – aad ula socda dhacdooyinka hareerihiisa ka jira iyo xusuusyahan aad uga dheregsan wacdarihii iyo waayihii ba’naa ee dalka soo maray. 

Joogitaankiisa caasimadda marwalba malahayn damaanad sugan oo ami. Sida bulshada kale, ayuu marmar dhibane iyo halis-jooge u ahaa qarxayada iyo weerarada dhaca, Afar sano kahor, wuxuu ka badbaaday weerar ka dhacay Hotel Saxafi oo uu kamid ahaa dadkii laga soo samata-bixiyay.

Si dhow marka loogu fiirsado shaqsiyadiisa, wuxuu ahaa qof hadalkiisu cad yahay; geesi codkar ah oo jiritaanka xaalad walba oo taagan aysan kahor istaagin inuu fikradiisa soo bandhigo.

Kaalintii uu ku lahaa Majmaca Culimada oo xubnaha ugu weyn uu ka ahaa, kaliya ma ahayn mid uu ka joogo daaha-gadaashiisa. Wuxuu ahaa mid fatwooyinka iyo talooyinka diimeed iyo kuwa heer qaran oo ay soo gaaraan lasoo gole-joogsada. Dad badan, waxay ku sheegeen inuu ahaa madaale aanay da’ xisaabta ugu jirin iyo aalaaba qof aan cudurdaar isu sameyn. 

Wuxuu ku dhashay dhulka dowlad-degaanka Somaalida ee Itoobiya, wuxuu ahaa wiilkii saddexaad oo aabihiis ay u dhashay hooyadiis. Waqtigii dowladnimada ayuu soo galay dhulka Somaaliya halkaas oo taniyo markaas ku noolaa.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo gu’yaal badan magaciisu kamid ah kuwa loogu maqalka iyo daba-galka badan yahay, wuxuu xalay ku geeriyooday caasimadda Muqdisho – halkaas oo la tilmaamay in dagaal kooban oo uu la galay xanuunka soo rogaal-celiyay ee Korona uu ugu dambeyntii u geeriyooday.

Ku sinnaan 1950-meeyada ayuu ku dhashay miyiga dhulka Somaali-galbeed. Wuxuuna ahaa af-yaqaan dhaqanka bulshada iyo caqiidada Islaamiga ah si fiican isku saari kara macaanidooda.

Shacabka Somaaliyeed ayaa ka murugooday geerida lama filaanka ah ee ku timid waxaana ay Eebbe uga baryeen inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!