Delhi (Himilonews) – Qoys ku nool magaalada Delhi ayaa in badan oo ay baadi-goobeen laba wiil oo mataano 3-jir ah kadib waxay ka dhex heleen qasaaladda lagu dhaqo dharka iyaga dul-sabeynaya. Labada cunug oo lagu kala magacaabo Neeshu iyo Naksh waxaa looga tagtay guriga daqiiqado dhowr ah, halkaas oo hooyada oo lagu magacaabo Rakhi u baxday inay kasoo adeegato suuqa. Markii ...
Read More »Yearly Archives: 2017
Lakulan: Ninka is baray ku dhawaad 100 luqadood oo afafkii hore ah
Milano (Himilonews) – 86-jir lagu magacaabo Riccardo Bertani, waa nin fariid ah. Ka dhashay qoys beeraley ah oo ku nool Caprara oo ah degmo hoos tagta Reggio Emilia ee dalka Talyaaniga, wuxuu kaga haray tacliintiisa dugsiga hoose isaga oo ku halgamay inuu tarjumo oo uu keydiyo ku dhawaad boqol luqadood oo dhif iyo dabargo’na ka ah dunida maanta. “Marabin inaan waddadaas qaado. Waana ka ...
Read More »Maya ku dheh – Takoorka iyo Takoorista
Muqdisho (Himilonews) – Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay xus u sameysay maalinta caalamiga ah ee Cirib-tirka Takoorka 1-dii bisha March sanadka 2014 kadib markii hey’adda QM u qaabilsan cudurka HIV-AIDS-ka ee UNAIDS ay bilowday Ol’olaha Ciribtirka Takoorka bishii December sanadkii 2013. Hey’ado badan sida QM ayaa maanta oo kale si dardar leh uga qeyb-qaata muujinta howlaha iyo mashaariicda ku ...
Read More »Tacliinta iyo Jaceylka iyo aragtida dhalinyarada
Muqdisho (Himilonews) – Waxay yiraahdeen jaceylku malahan xad iyo soohdin. Ma yaqaan caddaan iyo madow. Ma qoro sabool iyo tanaad. Mana ku sargo’na kuf iyo gayaan. Hayeeshe, tacliinta iyo caashaqa waa doodda ilaa hadda aan baalasheedaba la laabin ee u furan gorfeynta. Taas waxay caadiyan timaada marka aad la sheekeysato da’yarta ku jirta wax-barashada ee lab iyo dhedigba ka kooban. ...
Read More »Habka tacliinta dadban ee koorsada la yiraahdo iyo aragtida ardayda
Muqdisho (Himilonews) – Hab-tacliimeedka dadban waxay sanadihii tagay kusoo kordheen magaalada Muqdisho. Xarumaha ama dugsiyada bixiya habka tacliinta dadban ama fudud ee loo yaqaan Koorsada oo ah koobis iyo guud-mar lagu sameynayo manhajka sanad-dugsiyeed ee loogu tala-galay in lagu qaato sanad dhameystiran waxay noqdeen kuwa isasoo taraya dhawaanahan. Dulucda ayaa ah in ardayda si fudud ku gudbaan fasallo badan oo ...
Read More »The effect of Somalia’s turning point on stability
Heydrabad (Himilonews) – In recent years, Somalia has been enjoying enormous changes in its political, social and economical environment, but the beauty of this picture has disappeared due to the election season. In 2012, members of parliament were selected to vote for president. Hassan Sheikh Mohamud became the president of the country and he managed to form the first permanent ...
Read More »Haweeney gacmo la’aan ah oo 11 shumac ku shiday lugteeda in ka yar 60 ilbiriqsi
Mexico (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Mexico, taas oo gacno la’aan ku dhalatay, ayaa dunida tustay inay maangal tahay in nolol raaxo leh la noolaado gacno la’aan. 39-jirta lagu magacaabo Adriana Irene Macias Hernandez oo ku nool Guadalajara ayaa jabisay rikoorka dunida iyada oo 11 kibriid ku shiday shumacyo wax ka yar 6o ilbiriqsi tiiyoo aysan lahayn laba gacnood. Hernandez sidoo ...
Read More »Waa dhab Jaceylku indho malahan
Jakarta (Himilonews) – Waxay yiraahdeen jaceylku malahan xad iyo soohdin. Maya yaqaan caddaan iyo madow. Mana qoro sabool iyo tanaad. Balse sheekada cajiibka leh ee ku saabsan sida 28-jir Induniisiya u dhashay uu jaceyl ula wadaagay haweeney ka da’weyn 54-sanadood markii ay si kama’ ah ugu kulmeen qadka tilifoonka dabadeedna ku heshiiyeen inay is guursadaan – tiiyoo laba reerood aysan la dhicin ...
Read More »Shiinaha: Markay gabadhu ku niyad-jabto furriinka
Beijing (Himilonews) – Kooxda gabdho Shiinees ah ayaa dhawaantan qabsaday baraha bulshada kadib markii lasoo dhigay sawirro laga soo qaaday iyaga dhex yaalla luxudyada xabaalo dhaca duleedka degmada Chongqing City. Waxaa la shaaciyay inay ka qeyb-qaadanayeen leyli ruuxi ah oo lagu bogsiinayo qalbiyada haweenka la niyad-jaba furriinka. Dhex-jiifadka luxudka ama iilka gudihiisa, waa aragti ay la timid Liu Taijie, oo ah 30-jir garoob ...
Read More »Aragtida bulshada ee ku aadan saameynta daawashada aflaamta musalsalka
Muqdisho (Himilonews) – Dhawaqa dhagihiinna kusoo dhacaya waa mid kamid ah aflaamta taxanaha ah ee lagu turjumay af-Soomaali kuwaas oo ugu badnaan habeen kasta guri walba ka daarmi kara. Waana dooqa ugu horreeya ee gabdhaheennu kala baxaan daawashada fogaan-aragyada. Sida wiilashuba ugu go’aan fiirsiga banooniga, aflaam daawashaduna waa hal-xulashada koobaad ee gabdho badan ku kallifta inay shaashadda la saaxiibaan fiid ...
Read More »