crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shiinaha: Markay gabadhu ku niyad-jabto furriinka | HimiloNetwork

Shiinaha: Markay gabadhu ku niyad-jabto furriinka

Beijing (Himilonews) – Kooxda gabdho Shiinees ah ayaa dhawaantan qabsaday baraha bulshada kadib markii lasoo dhigay sawirro laga soo qaaday iyaga dhex yaalla luxudyada xabaalo dhaca duleedka degmada Chongqing City.
Waxaa la shaaciyay inay ka qeyb-qaadanayeen leyli ruuxi ah oo lagu bogsiinayo qalbiyada haweenka la niyad-jaba furriinka.
Dhex-jiifadka luxudka ama iilka gudihiisa, waa aragti ay la timid Liu Taijie, oo ah 30-jir garoob ah oo mar aan fogeyn la furay taas oo hadda ku caawisa haweenka ay kala go’aan gacaliyayaashooda inay kasoo kabsadaan xiriirka ka xumaaday.
Ku guursiga da’da 19 jirka iyo ku dhalista cunuggeedii koobaad da’da 21-jirka, Liu Taijie waxay soo martay waqti adag oo ku dhamaaday gunaanad furriin sanadkii 2015. Waxayna sidoo kale ku dhacday inay maareyso ganacsi u gaar ah oo ay bilaaban laheyd.
Waxay ahayd waqti qaraar, waxayse kaga soo tallaabtay dhabar-adeyg hadana waxay rabtaa inay haweenka kale fahamsiiso inay noloshu soconeyso – oo ay iska laabaan tagtadii kuna jiheystaan timaadada uga dhiman noloshooda.
“Waan ogahay sida haweeneydu dareemi karto markay walaacdo. Waxaan aniga naawilay inaan is-dilo markii la i furay,” ayay tiri Ms. Liu. “Markuu qofku quus taagan yahay, wuxuu moodayaa inuu kusoo dhamaaday meeshii uu ku dhiman lahaa. Ku dhex jiifsiga luxudka ama iilka gudihiisa, ardaydu waxay mala-awaalaan geerida. Tani waxay xusuusisaa inaysan wax badan kasoo qabsan nolosha adduun ee wali u dhiman oo ay habboon tahay inay iska hilmaamaan tagtada una jiheystaan timaadada uga harsan noloshooda.”
22 33
Sawirro laga soo qaaday goobta Liu ayaa muujinayay haween ku dhex jiifa luxudka ama iilka – iskuna qabanaya labada indhood iyo labada gacnood. In kasta oo aysan caddayn inta daqiiqo oo ay marayaan tijaabada hadana waxaa looga gol leeyahay inay wax ku fahmaan geerida bilowgeeda iyo inay kaga bogsadaan walaaca iyo xanuunka maskaxeed iyo kan qalbi ee lulaya laabahooda.
“Fashilku ma ahan mid laga baqa-cararo. Waxaan rabaa in dhamaan haweenka garoobada ah ay ku raaxaystaan noloshooda gaarka ah kuna guuleystaan guulaha ay raadinayaan,” ayay tiri Taijie.
Tallaabooyinka nuucaan oo kale ah ee lagu baxnaaninayo dadka qaba walaaca maskaxeed iyo walbahaarka qalbi – iyada oo la dhex jiifinayo iilka iyo luxudka waa dhaqan guud mar ah oo ay ku wada dhaqmaan dalal badan oo dhaca Aasiyada Shiinaha la siman.
Sanadihii lasoo dhaafay waxaa la arkayay tijaabooyinkan oo guud-mar ka noqday meelo badan oo indha-yarta kamid ah. Waxay ahayd sanadkii 2015, markii tijaabadan oo kale loo qabtay arday dhigata jaamacad ku taalla dalka Koofur Kuuriya.
Ilaa hadana dhaqankani waa mid ay la dhaceen indha-yar badan.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!