Aragtida bulshada ee ku aadan saameynta daawashada aflaamta musalsalka
Posted by: Zakariya
in Wararka
February 25, 2017
1,136 Views
Muqdisho (Himilonews) – Dhawaqa dhagihiinna kusoo dhacaya waa mid kamid ah aflaamta taxanaha ah ee lagu turjumay af-Soomaali kuwaas oo ugu badnaan habeen kasta guri walba ka daarmi kara. Waana dooqa ugu horreeya ee gabdhaheennu kala baxaan daawashada fogaan-aragyada.
Sida wiilashuba ugu go’aan fiirsiga banooniga, aflaam daawashaduna waa hal-xulashada koobaad ee gabdho badan ku kallifta inay shaashadda la saaxiibaan fiid kasta.
Taniyo sanadkii 2009, kacaanka aflaamta musalsallada ah waxay kusoo baxeen dardar xoogan – halkaas oo badi dadka xiiseeya ay kow ka noqdeen haweenka.
Canab Isxaaq waxay kamid tahay tiro xad-dhaafka leh ee ku jira gabdhaheenna oo daa’imay daawashada musalsallada. Hadda, iyada oo ah xaas ay u joogaan laba carruur ah, waxay dib u tirinaysaa – dhib iyo dheef – wixii ay kala kulantay daawashada aflaamta.
“Wallaahi markan faa’iido ka tilmaan is iraahdo; waa inaan luqadda Carabiga ah ka bartay, marna waa inaan xanuunno kale oo indhaha la xiriira aan ka qaaday,” ayay tiri Canab oo intaas kusii dartay in waxa ku qaaday inay daawato ay ahayd xamaasad iyo gabdhaha qeyrkeeda ah oo mar walba u sheegi jiray inay filim taxane ah fiirsadaan.
Baahida xad-dhaafka leh ee laga qaaday daawashada musalsallada halkii ay shalay ku ekeyd fogaan-aragga, waxaa jira habab kale oo gabdhaheennu bilaabeen inay u maraan fiirsigooda.
Fardowso Cabdi Barre ayaana kamid ah gabdhahaas.
“Dhalo guriga nooma taallo, hayeeshe waxaan tagaa istuudiyada filimada waxaana kusoo shubtaa shan qeyb oo ka dhigan xirmada toddobaadka ee musalsalka aan rabo inaan daawado,” ayay tiri Fardowso. “Balse hooyaday iima oggola inaan fiirsado.”
Aabayaasha guryahooda laga fiirsado musalsallada iyaguna ma ahan kuwo ay ka dahsoon tahay waxa ka socda shaashadaha. Abdullahi Maxamed Abdi waa mid kamid ah aabayaasha. In kasta oo uu qaadan waayay go’aan uu gurigiisa kaga mamnuuco fiirsiga aflaamta, hadana wuxuu tirin karaa dhibaatooyin muuqda oo uu, isaga ahaan, waaya’arag ku noqday.
“Wallahi subaxdii markuu waagu dillaaco oo hooyadu hurdada ku daahdo ama ilmuhu dugsiga ka habsaamaan iyo wixii lamid ah waa lagu arkay fiirsiga badan,” ayuu yiri Abdullaahi. “Waxaan kale oo aan arkay qoysas isaga dartiis ku burburi gaaray oo dooddoodu dheeraatay.”
Marka loo eego beer-nugeylka hooyo kasta oo gabdhaheeda ku raacda inay guriga usoo dhigto dhalo ay aflaamta ka fiirsadaan, waxaa jiri kara hooyooyin kale oo qaata go’aan ka duwan midkaas.
Iyada oo ku nool guri ay joogaan gabdho, sida kuwa kale, waqti u heli kara inay daawadaan musalsallada, Mama Seynab Xaaji waxay sheegtay in mamnuucisteedu ay wax muuqda kaga dareentay aqalkeeda.
“”Sababta aan u keeni waayay dhalo waa inay gabdhuhu si fiican wax iigu bartaan – waayo mustaqbal maleh filin-fiirsiga. Waxaana taas ka fahmay inay gabdhahaygu maanta ku jiraan kuwa ugu sarreeya tacliinta dugsiyada ay dhigtaan,” ayay tiri Mama Seynab.
“Cunug aan dhug kale lahayn ee fiirsanaya filim oo aan waalidkii dhalay ka bejinayn howsha iyo mid hurdo iyo daal ka qaaday mooyee dhaxal kale lagama hayo daawashada,” ayay sii raaciyay iyada oo waalidiinta guryahooda ku jiraan dhalooyinka kula talisay inay xakameeyaan waqtiga carruurtooda.
Inaad aragto guryo badan oo ugu badnaan laga fiirsado aflaam iyo musalsallo, macnaheedu ma ahan in gabar kasta aysan iska dhaafi karin daawashada. Waxaa jira gabdho kale oo si xurnimo leh uga fogaaday waxa ka socda shaashadaha.
Raxmo Maxamud iyo Miski Xasan ayaana kamid ah gabdhahaas oo iskood u qaatay go’aan ay ku dhaceen, sida dad badani qabaan, gabdhaha qeyrkooda ah. Waxay wax liita u arkeen wax dad badan ay la tahay madadaalo lama huraan ah.
“Marka hore wallahi waxaan islahaa wax fiican oo natiija leh waaye, laakiin waxba lagama helaayo. Kolay sidaad waalidkii ku dhalay ugu af-naqi lahayd ama ugu caasin lahayd iyo ninkaada iskaga dhicin lahayd ayaa laga bartaa,” ayay tiri Raxmo.
Miski ayaana intaas kusii dartay: “Wallaahi waqti buu kaa cunaya waayo meelna uma daneysan kartid. Adiga iyo waalidkii ku dhalay wuu iska kiin horkeenaya; markii danbana kala doorasho – duco iyo habaar waalid – iyo dar Alle ayaan iskaga dhaafay.”
Xiisaha gabdho badan ay ka qaadeen daawashada filimada waxay qeyb ka noqotay xaaladaha bulsho ee laga soo weriyo qoysaska qaar oo lammaanaha isku dhaxa ay marmar isku maandhaafaan daawashada,
Ku dhawaad 15%, dhibaatooyinka isasoo taraya waxaa ugu waaweyn isfaham waaga lamaanaha ka dhex-dhaca marka ay timaado sida, sababta iyo saacadda ay muhiimka tahay in la daawado,
Balse Canab Isxaaq ayaan tani u aragta wax lala yaabo. Mana u muuqato in yar oo caqabad ah inay ku yeelan karto nolosha qoyskeeda.
“Markii aan daawanayo waa mar aysan shaqo ii oolin. Hayeeshe markaan bogto shaqadayda waa iskaga mashquulaa; in badanse siima wado markuu albaabka kasoo galo seygeyga, waayo waxaan muhiimadda siiyaa ninkayga; sababta oo ah ninkan markuu shalay kaasoo wadanayay gurigiinna kuuma keensan inaad filim kaga mashquusho ee wuxuu kuu keensaday inaad reerkiisa u maamusho,” ayay tiri.
In gurigu noqdo meel ay shaashaddu tahay barnaamij daaran 24-kii saacba, waxaa saameynta ay la timid si waafi uga dheregsan bahda wax-barashada.
“Runtii waa dhaqamo kale oo nala barayo iyo dayac ku socda waqtiga ilmaheenna waayo filim macnihiisu waa qayaali – waagii hore carruurtu waxay isku dhihi jireen; waryaa filin filin ayaa ii keentay miyaa?,” ayuu yiri ustaad Barre Shire Salaad oo kamid ah barayaasha Soomaaliyeed isaga oo bixiyay tilmaamayaal muujin kara sida gabdhaheenna qaar ugu go’een fiirsiga iyo ku xirnaanshaha musalsallada.
Balse haddii la raaco talooyinkiisa, waxaa u muuqda xal qariib ah, hayeeshe jawaab u noqon kara mushkiladaha ka dhashay xad u yeelid la’aanta musalsallada.
“Carruurta waa la mashquuliya; lala fariistaa; loo aqriyaa casharrada,” ayuu yiri. “Dhanka qoysaska haddii aan usoo weecdana, waxaa habboon in marka wararka aad ka daawataan aad iska damisaan oo labadiinna aad sheekeysataan; isku tiraahdaan ereyo jaceyl iyo soo jiidasho leh – waayo inaad u sheekeyso ayaaba ka kheyr badan inaad kaga mashquusho wax kale.”
Doodda ku saabsan daawashada musalsalladu waxay sii ahaaneysaa mid aan lagu heshiinin aragtideeda inta aysan jirin gacmo is-dhaafay oo wadajir u xalliya mushkiladaha laga soo weriyo.
Inta taasi laga helayo, dhaqamada iyo caadooyinka kasoo muuqda shaashadaha, waxay si aan la mahdin uga dhex muuqan doonaan nolosha da’yarteenna.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2017-02-25
You must log in to post a comment.