crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laba cunug oo mataano ah oo ku qarqoomay qasaalad ay ku dhex dhaceen | HimiloNetwork

Laba cunug oo mataano ah oo ku qarqoomay qasaalad ay ku dhex dhaceen

Delhi (Himilonews) – Qoys ku nool magaalada Delhi ayaa in badan oo ay baadi-goobeen laba wiil oo mataano 3-jir ah kadib waxay ka dhex heleen qasaaladda lagu dhaqo dharka iyaga dul-sabeynaya.
Labada cunug oo lagu kala magacaabo Neeshu iyo Naksh waxaa looga tagtay guriga daqiiqado dhowr ah, halkaas oo hooyada oo lagu magacaabo Rakhi u baxday inay kasoo adeegato suuqa.
Markii ay guriga kusoo laabato, hooyada waxaa ku adkeyd inay hesho labada cunug. Waxay caawimo weydiisatay deriska ka ag dhow qof kastana wuu baadi-goobay.
Aabaha labada cunug oo la yiraahdo Ravinder kaas oo xilligaas ku sugnaa goobtiisa shaqada ayaa degdeg kusoo gaaray guriga.
Ku dhawaad 30-daqiiqo kadib, qof ayaa iska fiiriyay qasaaladda dharka oo ay ku jireen waxoogaa biyo ah wuxuuna ku dhex arkay labada cunug.
Ravinder ayaa labadiisa cunug ula cararay isbitaalka ka ag dhawaa goobta, dhaqaatiirta ayaana sheegey inay ilmuhu meyd yihiin.
Booliska ayaa hadaba isku dayaya inay baaraan sida falkani u dhacay. Balse baaritaanka ayaa ula muuqda inuu qeexo in labada cunug ay dul-koreen bundad dhar ah oo ag tiil qasaaladda si ay u dhex-galaan.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!