crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Daawo muuqaalka Ey duugaya walaalkiis oo dhintay | HimiloNetwork

Daawo muuqaalka Ey duugaya walaalkiis oo dhintay

Thailand (Himilonews) – Dad badan oo dunida ku nool waxaa dareen naxariis ku beeray muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya Ey aasaya walaalkiisa ahna saaxiibka rumaad.
Eyga wuxuu u dhintay jugta gaari jiiray gudaha dalka Thailand.
Fiidiyowga oo lagu duubay degmada Buriram waxaa lasoo dhigay baraha bulshada halkaas oo ay ku faaftay.
Dadku waxay u riyaaqeen sida kalgacalka leh ee Eygu u xabaalayo walaalkiisa.
Muuqaalka ayaa laga dhex arkayay Eyga dhintay oo jiifa god iyada oo walaalkiisna uu carro ku aasayo iaga oo isticmaalayo sankiisa.
Eyga ayaa hadana la arkayay isaga oo isku dhex tuuraya godka – wuxuuna ursanayay meydka saaxiibkiis kahor intusan dhameystirin duugta.
Halkan ka daawo muuqaalka fiidiyowga
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!