crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Turkiga: Markay Bisaduhu noqdaan Marti soo dhaweyn mudan | HimiloNetwork

Turkiga: Markay Bisaduhu noqdaan Marti soo dhaweyn mudan

Muqdisho – Cimilada magaalada Terkirdag ee dalka Turkiga waxay tahay mid qabow sanadkan, hayeeshe qof jecel xanaaneynta Bisadaha ayaa la yimid xal loo baahnaa kaas oo u oggolaanaya Mukulaalaha jidadka taagtaagan ama baadida ah inay ka gabaadsadaan darbada qabowga – iyada oo jaranjar u saartay aqalkeeda si ay usoo galaan markay qarqaryoodaan.
Sebnem Ilhan, ma awoodin inay iska eegto Bisadaha qabowga ugu danbeyn u dhiman gaara, sidaas darteed waxay go’aansatay inay gurigeeda u furto.
B1 B2 B3 B4 B5
Hayeeshe maadaama ay adkeyd inay balakoonka ay ka degan tahay dabaqa ay toos uga soo galaan iriddeeda, waxay la timid xal kale oo ah inay daaqadda u saarto jaranjaro ay kusoo gaaraan gudaha aqalka ay kaga nooshahay isasaarka.
Jaranjaradu waxay kaliya u sameynsan tahay in Bisad walba ay soo kori karto – kana degi karto.
Ilhan oo ah dhaqtarad afka iyo ilkaha daweysa taas oo si qurux badan ugu casuuntay noolaha la nool inay la hoydaan; siineysana daryeelka iyo naxariista ay u baahan yihiin, waxaa falkeedan insaanimada leh bogaadiyay jaarkeeda iyo dadyowga kale ee dunida ku nool ee jecel xanaanada noolaha.
“Waxaan u sameeyey jaranjarada inay Bisaduhu gurigayga si raaxo usoo koraan una joogaan; ugana noqdaan,” ayay tiri Sebnem iyada oo intaas kusii dartay in tiro aan la koobi karin oo Bisado ay aqbaleen casuumaadeeda.
Sawirro baraha bulshada si toos ah loogu wadaagay ayaa muujinayay Bisadaha oo koroya kana degaya jaranjarta iyo gabadhan oo soo dhaweyneysa. Mise cadda haddii haweeneydan ay daaqadda uga tagto furnaansho si ay Bisaduhu u gabaadsadaan gurigeeda xittaa markii ay maqan tahay. Waxayse u muuqataa mid aysan ku adkeyn sameyntiisa.
U sameynta jaranjaro ay Bisaduhu kusoo koraan aqallada si ay qabowga daran uga gabaadsadaan, waa mid kamid ah hababka ay Sebnem Ilhan ku caawinayso noolaha.
Waxay sidoo kale u quudisaa joogto; iyada oo badi waqtigeeda nasiinada ku bixisa hubsashada daryeelkooda.
“Waxaan naawilayaa in noole kasta oo kuwaan oo kale ah aysan dareemin gaajo iyo harraad; oo ay iska faraxsanaadaan,” ayay tiri. “Dunida kaliya dadka looma hibeynin farxadda.”
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!