Duur-joogteenna – dhaxal lumay!

Muqdisho (Himilonews) – Duur-Joogta dhaqan ahaan waxaa loo dhiraandhiriyaa noole siiba sanku-neefle aan la dhaqan gelin. Hayeeshe, waxaa timid in lagu daro dhamaan dhirta, noolaha yaryar iyo ilma-aragtida ku nool duur—goob aanay dadku ku lahayn raad saameyn leh.
Gaasa-baxsiga daaqa iyo duunyada ku nool duurka xilliyo badan ayay ifka ka dhacday—taas oo Deegaanka kaga tagtay saameyn mug leh; togan iyo taban labadaba.
Duur-Joogta waxaa laga heli karaa hab-nololeedka deegaan “eco-system”; Lama-degaanka, keymaha, keymo-roobaadyada, dhul-cagaarka iyo banaannada ayaa sameyn kara hab-nololeedka Duur-Joogta.
Halka ereyga “Duur-Joog” bulshada uga dhigan yahay noolayaal aanay dadku la fal-galin, hadana badi Seynis-yahannadu waxay isku raaceen in Duur-Joogta innagu hareeran ay saameyn kala kulmaan falalka kala duwan ee Bani’aadanka.
Marka aynu dib ugu soo laabano Dhulkeenna Soomaaliyeed, duur-joogtu wax milgo-nololeed ah bulshada uguma fadhido. Dal dadkiisii qax, qabri iyo qalalaalaso u dhaxeeyo, qadarinta Duur-joogtu nuxur buuran uma lahan; iyada oo ay marag-madoonto tahay in dalkeennu beri hodon ku ahaan jiray Duur-joogta.
Ugaadhu, inkasta oo ay maanta dabargo’ ku dhowdahay—intii ka noolaydna la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, hadana waxaa marag madoonta ah in dalkeenu beri hodan ku ahaan jiray. Dabar go’a Ugaadha wuxuu la xiriiraa waxyaabo badan oo ay ugu mudan yihiin taranka xad dhaafka ah ee Aadanaha, magaalooyinka batay, dhulalka la yeeshay ee ninba in seeraystay, xaalufka, nabaad-guurka, dagaallada socday ku dhawaad labaatan sanadood iyo hubka aan tirade lahayn ee gacanta dadwaynaha galay.
Marka aynu sooyaalkeena bulsheed dib u eegno, ma dhicin in wax la iska waydiiyo Ugaadha iyo sida taranteeda iyo tafiirteedaba loo ilaalin lahaa. Wax caadi ah ayey iska noqotay in marka Ugaadh la arko dhulka la haab-haabto si wax loogu tuuro kol ay dhagax ugu yar tahay, hadii aanba qori lagu toogan. Taasina waxay keentay inay araga Aadanaha ka dido oo baxsato. Taariikhdeena hadaynu dib u milicsano, marnaba Ugaadhu ma helin xaqii ay dal iyo dadba ku lahayd.
Ugaadhu, maadaama ay kamid ahayd xoolihii dalka ku dhaqnaa, waxay lahayd qiimaheeda, taas oo maanta aad ka dheehan karto aqoonta dhinacyada badan ee ku qotonta dhaqamadeeda iyo nolosheeda.
Nolosha iyo aqoonta Ugaadha looma sinayne, waa loo kala dhawaa. Waxaan shaki ku jirin in qeyb bulshada kamida dadka kale uga dhawayd, ugana daryeel iyo naxariis badnayd.
Halka dunidu ay ilaalinayso xaq-dhowrka iyo xurmada noolaha ku nool duurka; daaq iyo duunyaba “flora and fauna”, Soomaaliya waxay hanteedii Duur-joogta ku luminaysaa inay disho; dagaagto; ama uu dal shisheeye xaalufsado.
Dhibta Duur-joogta lagu hayo waxaa ugu weyn; gumaad lagu wado har iyo habeen, burburka hab-nololeedka deegaan, dib-u-dhaca kusii imanaya tarantooda kol hadii aanay helin karantiil iyo kalkaalo iyo xaaluf dibadeed ba’an oo lagu hayo DUUR-JOOGTEENNA.
Nabaad-guurinta deegaan ee ah jarista geedaha iyo gubista dhamacda iyo dhirta; si loo helo dhuxul la dhoofsado ama alwaax guryo lagu dhisto—iyadoo taas badalkeeda uusan jirin fal-celin ku aadan arrintaas ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ay Duur-joogteennu eersanayso.
Nabaad-guurintu waxay lahan qarsoon oo cudur reebay ku noqotay qalbiyada ugaarta iyo dugaagta; kol hadii gabaadkii iyo hoyaadkii ay ku jireen la afjarayo—cagaarkii iyo cabkii ay calafsan jireenne la idleynayo. Taasna waxay sababtay inay irdhoobaan oo dalalka deriska ah ku dagaagaan ama ayba dabargo’aan.
Hadaba, caano daatayba dabadood laqabaye; miyaanay ahayn waqtigii aynu Duur-joogteenna ka fikiri lahayn oo beri siday nagu ahaan jireen maanta aan ka yeelno?!
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!