crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kufsiga iyo arxan-darrada ay ku nool yihiin gabdhaha Muslimiinta Rohingya. | HimiloNetwork

Kufsiga iyo arxan-darrada ay ku nool yihiin gabdhaha Muslimiinta Rohingya.

Myanmar (Himilonews) – Ku filan af-gobaadsi. Dunidu waxay u dabaal-dageysaa Maalinta Caalamiga ee Haweenka Adduunka tiiyoo sheekooyinka kufsiga, jirdillada ka dhanka ah gabdhaha Muslimiinta Rohingya laga arki karo meel kasta oo ay gabaad u raadsadeen.
Kusii darista cadaadiska aan dhamaadka laheyn ee ay ku hayaan dalka leh aqlabiyadda Buudis-ka, haweenka Muslimiinta Rohingya waxaa kufsi ba’an ku haya xoogagga ammaanka ee Myanmar, marka loo eego warbixinta QM.
Warbixinta ayaa faahfaahisay in kufsi wadareed, dilal, dhac iyo jirdillo halistooda leh ay joogto ula kulmaan Muslimiinta Rohingya ee ku nool galbeedka Rakhine state.
Waxaa kale oo caddaymo laga soo ururiyay kuwa u qaxay dalka deriska ah ee Bangladesh oo tiiraanyo, cabsi iyo nolol liidata kula nool gudaha xerooyin loo sameeyey.
Gudaha warbixinta, hooyo Muslimad ah ayaa dib u tirisay sida gabadheedii 5-sano jirta aheyd ay u dileen askarta iyada oo isku dayaysa inay kahor istaagto kufsiga lala maaganaa hooyadeed.
Warbixintu waxay tiri mid manaxe kufsade ah ayaa toorrey unuunka uga jaray gabadhii yareyd.
“Waxaan naawilay inaan iska dhinto hayeeshe waan samata-baxay,” hooyada ayaa u sheegtay baarayaasha.
Marka loo eego warbixinta, shan askari ayaa kusoo rogaal-celiyay qoys ay aabahood ku dileen daldalaad, waxayna rabeen inay kufsadaan afada guriga oo 25-jir ah. Markii cunuggeeda 8 bilood jirka ah uu bilaabay oohin – ay ka keentay gaajo iyo hurdo, waxay cunuggii yaraa isna ku aamusiyeen gawrac, sida gabar goobjoog 19-jir ah ay u sheegtay baarayaasha ka socday QM.
Gabar kale oo 14-jir ah ayaa ka warantay sida markii ay askartu kufsadeen ay u aragtay hooyadeed iyo labo gabdhood oo walaaleed ah oo gowracan.
“Weerarka arxan-darrada ah ee ka dhanka ah gabdhaha Muslimiinta Rohingya oo ay ku hayaan xoogagga militariga dalka waxay baal kale oo gumaad ah ku fureysaa taariikhda madow ee lagu ilaaway tira-yarta Rohingya,” ayay tiri Priyanka Motaparthy oo katirsan Human Rights Watch.
“Waa in militariga iyo xoogagga kale ee ammaanka loo qabtaa falalka arxan-darrada leh ee ay ku hayaan gabdhaha Rohingya iyada oo la adeegsanayo awoodda dowladda dhexe.”
QM ayaa Rohingya ku tilmaantay tira-yarta loogu dhibaateynta badan yahay dunida oo soocnaan iyo isir-takoor kula noolaa Buudiska ku badan Myanmar.
Sanadihii tagay, kumanaan Rohingya ayaa u barakacay dalalka deriska ah iyo dunida kale ee Muslimka si ay uga nabad helaan gumaadka iyo xasuuqa lagu wado har iyo habeen.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!