crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xanuunka Jaceylka: qof aad usoo hilowdo Aragtidiisa oo dhayalsada Imaanshahaada | HimiloNetwork

Xanuunka Jaceylka: qof aad usoo hilowdo Aragtidiisa oo dhayalsada Imaanshahaada

Beijing (Himilonews) – 41-jir lagu magacaabo Peter Cirk, oo ka yimid Holland ayaa helay baxnaano caafimaad kagadaal markii uu 10 maalmood ku dhex qaatay gudaha gegi dayuuradeed oo ku taalla Shiinaha si uu ula kulmo gabar Shiinees ah oo ay isku barteen baraha bulshada.
Cirk ayaa kula kulmay 26-jirta uu jecel yahay ee la yiraahdo Zhang baraha bulshada laba bilood kahor. Labaduba way iskugu baxday isaga oo uu usoo jaray fogaan dhan 45oo mile, ninkan Hollandeska ayaa dalbaday fiisaha Shiinaha wuxuuna u baxay si uu ula soo kulmo gabadha uu ka jeclaaday qadka internet-ka markii ugu horreysay.
Wuxuu u sheegay inuu imaanayo isaga oo waliba usoo diray waraaqaha socdaalka, hayeeshe markii uu yimid gegida Changsha airport, cidna kuma sugeyn goobta.
Iska dhaadhicinta in Zhang ay wax-yar ka dib dhaceyso, hayeeshe ay ugu danbeyn u imaaneyno la kulankiisa, Cirk ayaa go’aansaday inuu ku sugo gudaha garoonka.
Sawirro laga soo qaaday Cirk oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujiyay boorsadiisa iyo isaga oo dhinac fadhiya kuraasta sugaalka.
Maalintii dhaaftaba, rajadiisa ah inuu la kulmo gabadha uu calmaday ayaa sii xumaaneysay waxayna saameyn ku yeelatay moraalkiisa qalbi ahaaneed. Kadib 10 maalmood oo uu ku nagaaday gegida Changsha, Peter waxaa loo qaaday isbitaalka markii uu ku xanuunsaday dhafarka iyo nasiino la’aanta yar ee ku dhacday.
Hal sawir oo laga soo qaaday ayaa muujinayay isaga oo lala walfinayo faleenbo ku suran gacantiisa.
Markii sheekadiisa jaceyl ee natiijo xumaatay ku baahday baraha bulshada, wariyayaal Shiinees ah ayaa u qalabeystay inay ku war-geliyaan Zhang waxayna su’aaleen sababta ay ula kulmi weysay wiilka jeceylkeeda awgeed uga soo dhoofay meel fog.
Waxay qiratay in Cirk u sheegay inuu u imaanayo lakulankeeda, waxayse mooday inuu ku kajamayo. “Waxaynu horumarinay jaceylkeenna hayeeshe wuxuu dhawaanahan u muuqday mid gaabinaya,” ayay Zhang u sheegtay war-fidiyeenka.
“Maalin ayuu iisoo diray tikidhada duullimaadkiisa, waxaana mooday inuu igu dheelayo. Markaas kadibna ilama soo xiriirin.”
In-yar kadibna waxay u baxday inay gasho qalliin caafimaad. Peter wuxuu u qaatay inay la socto maadaama ay furnaan kaga tagtay koontadeeda facebook-ga. Waxay tilmaantay inay dooneyso inay Cirk lasii waddo xiriirka jaceyl oo ay la kulmeyso markii ay kasoo laabato caafimaadka ay u baxday kadib.
Hayeeshe Peter ayaa dib isaga laabtay dalkiisa mana cadda haddii uu quudarreynayo fursad kale inuu ku bixiyo la kulanka Zhang iyo in kale.
Hoos ka arag sawirro kale:
11 13  12
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!