crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney jecleyd xanaanada xayawaanka oo dhimatay iyada oo badbaadineysa Eygeeda | HimiloNetwork

Haweeney jecleyd xanaanada xayawaanka oo dhimatay iyada oo badbaadineysa Eygeeda

Washington (Himilonews) – Haweeney ku nool gobalka Indiana taas oo jecleyd xayawaannada – gabaadna u aheyd daryeelkooda ayaa dhimatay xilli ay isku dayaysay inay badbaadiso Ey ku sugnaa xaalad naf-la-caari ah.
33-jirta lagu magacaabo Jacqueline Watts waxay isku diyaarinaysay fasax gudeed dalxiis ah markii la waayay.
Seygeeda ayaa ku war-geliyay booliska markii ay ku imaan weyday waqtigii ay ahayd inay aadaan gegida diyaaradda. Waxay qorsheynayeen inay u kicitimaan magaalada Washington, D.C.
Ninka ayaa u sheegay booliska in afadiisu ay markii ugu danbeysay kala tagtay guriga Ey iyo Bakeyle ay xanaaneyn jirtay – waxayna rabtay inay u geyso cid sideeda oo kale u xanaaneyna xayawaannada inta ay fasaxa ku jirto.
Booliska ayaa hadaba dadweynaha weydiistay kaalmo ku aadan sida fudud ee lagu heli karo war iyo wacaal ku aadan Jacqueline Watts. Waxayna sheegeen inay arkeen iyada oo daba ordaysa Eygeeda.
Saraakiisha ayaa hadaba ku baxay goobta si ay xog dheeraad ah u helaan. Waxayna ugu tageen gaarigeeda oo albaabku furan yahay; nalalkiisuna ay fareejeynayaan. Gudahana waxay ku arkeen moobilkeeda iyo boorso.
Si kastaba, booliska ayaa sii daba-galay raqdeeda; meelna way ku sheegi waayeen. Markii booliska ay subaxdii xigtay howl-galeen, waxay arkeen meydka haweeneyda oo yaalla jinka webiga Columbus’ Flatrock.
Eygeeda lagu magacaabo Ringo oo lala lumay iyada ayaa sidoo kale meydkiisa laga helay webiga agtiisa.
Booliska ayaa hadaba sheegay inaysan si toos ah u tilmaami karin sababta dhimashadeeda, waxayna sugayaan caddaymo dheeraad oo lagu ogaado baaritaanka socda.
Balse kooxda ka shaqeysa badbaadada xayawaannada oo la yiraahdo Indyclaw Rescue ayaa bartooda facebook ku qoray tiiraanyada iyo baroordiiqdooda ku aadan Jacqueline Watts oo muddo shan sano ah xubin ka aheyd ururkooda.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!