crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan: 74-jir ku labista dharka gabdhaha si uu hooyadiisa gabar la’aanta ah uga farxiyo. | HimiloNetwork

Lakulan: 74-jir ku labista dharka gabdhaha si uu hooyadiisa gabar la’aanta ah uga farxiyo.

Beijing (Himilonews) – Toddobaad kasta 14-kii sano ee lasoo dhaafay, Li Yinglai, oo ah waayeel ku nool Kunming ee China, wuxuu booqadayaasha magaalada ku maaweelin jiray banka Green Lake Park isaga oo xiran dharka dhaqameed ee dumarka; la qoob-ciyaara lana gala sawirro dalxiisayaasha. Hayeeshe, waloow uu tani u go’ay  xaggeeda, hadana wuxuu sheeganayaa inaysan ahayn dooqiisa nololeed. Wuxuu sidaan u sameeyaa kaliya si uu hooyadiis uga farxiyo.
Li Yinglai, oo 74-jir ah wuxuu sheegay in hooyadiisa 96-jirta ah ay jecleyd gabar inay dhasho, hayeeshe ay dhashay laba wiil. Markii uu gaaray da’da 60-jirka, wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaaqo wax kasta oo suura-gal ka dhigi kara inay hooyadiis faraxsanaato. Waana markii uu bilaabay xirashada dharka dumarka. Wuxuuna taniyo markaasna, gabagabada toddobaad kasta, si joogto ah u sameyn jiray falkiisan.
“Waxaan sidaan u yeelaa kaliya farxadda hooyadeed,” ayuu Li Yinglai ku yiri wareysi lala yeeshay laba sano kahor. “Hooyaday mahelin dhallaan gabar ah oo ay jecleyd waligeedba inay dhasho. Waxaana rabaa inaan kaga farxiyo xirashada dharka gabdhaha.”
Li oo ah guur la’aan taniyo noloshiisii hore, sidoo kale malahan wax carruur ah. Wuxuuna waqtigiisa oo dhan ku qaataa daryeelka iyo kaalmeynta hooyadiis.
Mar hooyada laweydiiyay sida ay u aragto labiska wiilkeeda, waxay tiri; “Inta uu ku faraxsan yahay inuu sidaas ii sameeyo, wax ku jaban malaha xaggeeda.”
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!