Maya ku dheh – Takoorka iyo Takoorista

Muqdisho (Himilonews) – Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay xus u sameysay maalinta caalamiga ah ee Cirib-tirka Takoorka 1-dii bisha March sanadka 2014 kadib markii hey’adda QM u qaabilsan cudurka HIV-AIDS-ka ee UNAIDS ay bilowday Ol’olaha Ciribtirka Takoorka  bishii December sanadkii 2013.
Hey’ado badan sida QM ayaa maanta oo kale si dardar leh uga qeyb-qaata muujinta howlaha iyo mashaariicda ku aadan ciribtirka takoorka si qof walba uu ugu dabaal-dego xaqa uu u leeyahay inuu ku noolaado nolol leh sumcad iyo ixtiraam dhameystiran – u eegis la’aan da’da, gender-ka, dhalashada, isirka, midabka, xirfadda, wax-barashada iyo caqiidada uu rumeysan yahay.
Dalal badan ayaa leh sharci liddi ku ah takoorka, hayeeshe, takooristu wali waa dhibaato ka dhex-taagan bulshooyinka ku nool dal walba. Dalal badan ayaa takoorista u isticmaala hab ama nidaam dowli ah.
Sida ku dhigan mareegta Time and date, astaanta ama sumadda Maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Takoorka waa Balanbaalis taas oo ay si guud u adeegsadaan dadyowga dunida si ay isku dhaafsadaan sheekooyin iyo sawirro hadafkoodu yahay in lagu ciribtiro takoorka looguna halgamo ku shaqeynta togan ee wada-noolaansho iyo is-dhexgal.
Hayeeshe, takoorku wuxuu wali ku socdaa inuu saameeyo nolosha malaayiin qof oo dunida guudkeeda saaran. Maanta oo kale 1-da bisha March, dadyow kala duwan oo ku kala nool dunida dacalladeeda ayaa ku midooba hal-ku-dhagga la yiraahdo; U hadal, U gurmo – oo looga gol leeyahay in loogu dabaal-dego is-fahamka iyo is-dhexgalka bulshooyinka iyo xakameynta nuuc walba oo takoorka kamid ah.
Taageerada loola istaagay Maalinta Ciribtirka Takoorka waxay abuurtay dhaqdhaqaaq caalamiga ah oo ku foolan takoorka taas oo wali dunida ku baahsan.
Dadyow badan oo dunida ku nool oo isugu jira lab iyo dhedig ayaan wali heysan xaqii ay u lahaayeen hanashada wax-barasho, daryeel caafimaad iyo hal-abuur dhaqaale.
 Takoorka ka jira goobaha shaqooyinka, isbitaallada, dugsiyada wax-barashada ayaa hoos u dhintay kartidii ay in kamid ah bulshadu kaga qeyb-qaadan lahayd horumarinta deegaanka iyo dhisitaanka mustaqbalkooda beritto. Meelaha qaar, sharciga iyo xeerka deegaanka dhaqan-bulsho ayay wali ku adag tahay in xakame u sameeyaan takoorka iyo dhibaatooyinka lagu hayo dadka la dhiban cudurrada kala duwan sida cudurka HIV-AIDS-ka.
Gudaha Soomaaliya, siiba magaala madaxda dalka ee Muqdisho, dadka qaba baahiyada kala duwan ee godob looga dhigay in lagu takooro, waa kuwa isasoo taraya oo aan helin jawaabihii mudnaa in lagu waajaho.
Dib markaan usii eegno sooyaalkeeda, in kasta oo dhaqanka ku dhisan hal-adeygnimada iyo diir-nax la’aanta lagu sheego mid aan kala nimid nolosheennii hore, hadana qarniyadii danbe oo bulshadu u badatay nolosha casriga ah ee magaaloobidda, dhaqankani wuxuu yeelanayaa wajiyo kale.
Faham-yarida ka dhex-jira bulshada ee dhinac kasta ka heysata, waxay mar kasta iyaduna la timaadaa saameyn aan wanaagsaneyn.  Waloow falsafadda aan fiicneyn ee dadka gub iyo gob u kala soocda iyo isir faquuqa mujtamaca wada nool u kala dhiga laan-dheere iyo laan-gaab si qaldan loo fahmay – taas oo sal u ah kala qoqobka nagu dhacay iyo qabyaaladda nagu baahday – hadana taasi kaliya ma ahan dhibaatada maanta laga soo weriyo bulshada.
Macaamilka iyo hab-la-dhaqanka bulshada ka wada dhaxeeya wuxuu inta badan isaguna keensadaa takoorka aan kaliya ku dhisneyn isir-takoor ee ku dhisan xaaladaha qofku ku jiro sida inuu yahay qof dhimirka looga jiro, aalkoliiste ah, mid qaba baahiyaha gaarka ah sida inuu adimmo la’yahay ama uu hayo xanuun daran oo uu la il-daran yahay.
Caadiyanba qofku inuu kaa duwan yahay muuqaal ahaan, qabiil ahaan, mabda’ ahaan, maskax ahaan iyo midab ahaan, micnaheedu ma ahan inaad isku nacdaan. Mana keensaneyno inaad ku kala dheeraataan.
Waxa kaliya ee aad u baahnaan karto ayaa ah is-faham ku hoos yimaada murtida Soomaaliyeed ee tiraahda; wax is-warsi maxumee, wax is weydaaris baa xun! Waana tiirka ugu weyn ee lagu xoojin karo is-dhaxgalka bulshada.
Tusaale ahaan sidaan ka maqalnay mid kamid ah dhaqaatiirta ku howlan la tacaalista iyo daryeelka dadka la dhiban cudurka AIDS-ka ayaa inoo sheegay in hadda kahor aabe la xanuunsan cudurkan uu gabadhiisa oo la qabta xanuunka geeyey dugsi Qur’aan. Markii in muddo ah ay ku jirtay dugsiga ayaa laga war-helay in gabadhan iyo aabaheeda qabaan cudurka HIV-AIDS-ka. Waxaa cabasho kazoo yeertay waalidiinta carruurta gabadha la dhiganayay dugsiga oo macalinka u dooray laba mid oo kala ah: inay dugsiga kala baxaan carruurtooda ama inuu gabadhan yar ee danbiga aan galin iska diido. Fal-celintiisa ayaa noqotay in aabihii uu u sheego inuu gabdhadiisa kala baxo dugsigiisa. Wayna dhacday oo gabadhii waa laga saaray dugsigii. Ugu danbeyn gabdhadii waxay ku hartay gurigeeda iyada oo aan helin xaqqii ay u lahayd inay diinka barato, markii dhowr dugsi sidaan oo kale loola dhaqmay.
Si guud waxaan ugu baahannahay inaan dhug u yeelanno tallaabta mudan qaadisteeda kahor intaysan qaadin. Micnuhu waa inaan ugu horreyn kuur-galnaa, fahamnaa kadibna u fal-celinnaa si aan qalbiga qofka nala nool wax-yeelo u keeneyn. Sheekadanna waa mid kamid ah kuwa tilmaama sida bulshadeennu u goosato go’aanno degdeg ah kuwaas oo mustaqbalka qof dhan noloshiisa ragaadin kara.
Maanta oo la xusayo maalinta ciribtirka takoorkana, waa muhiim inaan ugu yaraan qaadanno go’aan badbaado u noqon kara inaynan takoorin qof aan awalba mdneyn takoornaan sida inaadan ku caayin ceebihiisa, ku liidin abuurkiisa, kuna dulmin aragtidiisa.
Dhibanayaasha la dhiban takoorka nuucyadii kala duwan iyaguna waa inay qaataan kalsooni adag iyo niyad-wanaag ay ku waajahaan caqabadaha ku foolan ee Alle ku imtixaanayo dulqaadkooda.
Abaalkiinuna waa Janno in sha Allah.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!