MUQDISHO (HN) — Haweeney 25 jir ah oo ku nool Madhya Pradesh, dalka Hindiya ayaa loo aqoonsaday halyeeyad kaddib markii sida lagu soo warramay ay labadeeda gacmood oo kaliya kula dagaalantay shabeel doonayay inuu dhifsado cunugeeda si uu u cuno.
Waxay yiraahdeen jaceylka hooyada ay ilmaheeda u qabto majiro wax lala simi karo. Waana Archana Choudhary oo ah hooyo ku nool miyiga Madhya Pradesh midda caddeysay in wax walba loo huri karo badbaadinta ilmaha kaddib markii ay halista ugu bareertay shabeel doonayay inuu cuno cunugeeda oo 15 bilood jir ah.
Hooyada iyo cunugeeda ayaa marayay Bandhavgarh Tiger Reserve oo ah geyi looga meegaaray xurriyad-socodka duurjoogta siiba dugaagta gaar ahaan shabeelka markii uu bahalkani micida la helay cunugeeda kadibna uu ula baxsaday keynta.
Iyada oo aan marnaba ka walwalin waxa ku dhici karta nafteeda, ayay ka daba tagtay shabeelka kadibna kula dagaalantay labadeeda gacmood si ay u badbaadsato inankeeda. Wayna ku guuleysatay ugu dambeyntii.
You must log in to post a comment.