crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta maareeye shirkad uu ku diido codsadaha wata nambar tirooyinkiisu kamid yahay ‘shan’! | HimiloNetwork

Sababta maareeye shirkad uu ku diido codsadaha wata nambar tirooyinkiisu kamid yahay ‘shan’!

MUQDISHO (HN) — Maareeye shirkad oo aaminsan quraafaadka ayaa codsade walba oo nambarada telefoonkiisa uu ku jiro nambarka shan ‘5’ u diida inuu shaqaaleysiiyo xattaa haddii codsadahaasu uu wada buuxiyo shuruudihii looga bahnaa.

Waayo wuxuu tirada shan u tixgeliyaa mid tilmaamaysa ayaandarro ama nasiibxumo. Codsade walba oo weli quudarreynaya inuu kamid noqdo shaqaalaha shirkadda – kaas oo shuruudihii hore oo dhan wada buuxiyay – waxaa lagula taliyaa inuu iska beddelo nambarka oo uu qaato laf cusub oo aan nambar shan ku jirin.

Falkan dib-u-socodnimada ah oo aan wax xiriir ah toona lala laheyn anshaxa iyo hannaanka goobaha shaqada waxaa aad looga dooday baraha bulshada Shiinaha. Waxaana uu diidmo iyo cambaareyn xooggan kala kulmay bulshada kuwaas oo kahor yimid xurriyad ka qaadista shaqo-doonaha iyo in waxa maareeyuhu uu aamisan yahay ay go’aamiyaan rabitaanka qofku uu ku heysan karo nambarkiisa.

Si kastaba, ma ahan arrin ugub ah in shirkadaha Shiinaha ay shaqaalaha ula dhaqmaan sida ay doonaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!