MUQDISHO (HN) — Shiinaha waxaa ka jira dhaqamo lala yaabo oo la xiriira hab la-dhaqanka qalafsan ee shaqaalaha oo lagu kormeero goobahooda shaqada siiba musqulaha ama kortagyada.
Laakiin waxaa kasii yaab iyo edebdarro badan marka aad maqashid in xattaa kusoo xaajo gudashada suuliga ama musqusha laguu xisaabiyo. Hadda maxay yihiin dhaqamada la-yaabka leh ee shaqaalaha shirkadaha lagu korjoogteeyo marka ay doonaan inay adeegsadaan suuliyada ama musqulaha?
In kasta oo shirkadahani ay falalkooda kula kulmaan cambaareyn – qaarkood ay cadaadis kaddib laalaan sharciyadooda – haddana waxaa xusid mudan in dhaqamadan aysan joogsi lahayn. Waxaana kamid ah:
Shirkadaha qaar ayaa shaqaalahooda ku handada inay ka jari doonaan mushaharkooda haddii ay waqti badan ku dhex qaataan musqulaha. Qaarna waxay amraan in shaqaaluhu uusan maalintii wax ka badan hal mar adeegsanin musqusha. In kale waxay timer ama waqti dhowre ugu xiraan albaabka musqulaha si shaqaalaha loogu xisaabiyo muddada uu ku jiray suuliga.
Waxaase kasii xagjirsan kuwo kaamerooyin ku rakibtay dusha sare ee musqulaha si ay ula socdaan in shaqaalahoodu ay telefoon ku dhex isticmaalayaan suuliga.
You must log in to post a comment.