crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Rikoor cusub: Nin gadaal-gadaal ugu waday gaarigiisa 16 kilomitir muddo ka yar 30 daqiiqo. | HimiloNetwork

Rikoor cusub: Nin gadaal-gadaal ugu waday gaarigiisa 16 kilomitir muddo ka yar 30 daqiiqo.

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool gobalka Tamil Nadu, dalka Hindiya ayaa rikoor cusub dhigay kaddib markii gaarigiisa gadaal gadaal ugu waday fogaan dhan 16 kilomitir iyo 140 mitir muddo ku siman soddon daqiiqo. Waana masaafadii ugu dheereyd abid uu qof ku galo Buugga Dhacdooyinka Dunida ee Guiness Book.

Ninkan oo 35 jir ah, wuxuu dhacdadiisa kusoo bandhigay Edappadi Bypass, wuxuuna dadka kaga yaabsaday hibadiisa. Markii uu toban jir ahaa ayuu bilaabay inuu bilaabo gaari wadidda. Waana uu ku xeeldheeraaday.

Wuxuu ahaa mid ku warwara inuu jebiyo ama dhaafo rikoorka u yiilay Tesson Thomas oo ah 22 jir ku nool Kerala kaas oo 14 kilomitir gadaal ugu waday gaarigiisa muddo dhan 30 daqiiqo.

Si kastaba, ninkan oo lagu magacaabo Chandramouli wuxuu rikoorkii u yiilay Thomas sii dhaafiyay 2 kilomitir isaga oo weliba ku gaaray muddo dhan 29 daqiiqo iyo ilbiriqsiyo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!