MUQDISHO (HN) — Nin ku nool dalka Singabuur ayaa looga ashtakooday qabow ba’an oo gurigiisa uga imaanaya jaarkiisa kaddib markii uu 9 qaboojiso ku rakibtay gurigiisa.
Xilliga xagaayada, Singabuur waa meel kuleyl iyo huur badan oo dadku aad u dhibsadaan. Dadka qaar ayaa si kastaba, hal iyo labo marwaxad ku xirta guryahooda si ay ugu qabowsadaan. Laakiin hal nin ayaa gurigiisa ku xirtay 9 marwaxadood.
Jaarkiisa ayaa si kastaba gidaarrada ka dareemay qabow aad u daran oo ay la joogi waayeen. Waxayna uga cawdeen ficilkiisa laamaha amniga. Jaarka ayaa ku doodaya in kaliya hal marwaxad ay ku filan tahay – haddii uu aad kuleyl u dareemayana uu ka dhigan karo labo.
Hayeeshe aysan suuragal ahayn inuu 9 qaboojiso ku xirto guriga.
You must log in to post a comment.