crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bulsho Muslimiin ah oo jaar Masiixiyiin ah si camali ah u baraya Muhiimadda Islaamku siiyay ilaalinta iyo dhowrista deegaanka. | HimiloNetwork

Bulsho Muslimiin ah oo jaar Masiixiyiin ah si camali ah u baraya Muhiimadda Islaamku siiyay ilaalinta iyo dhowrista deegaanka.

MUQDISHO (HN) — Fayadhowrka iyo bedqabka degaanku wuxuu Islaamku siiyay ahmiyad sarreysa. Waxaana uu Suubanaha NNKH uu Muslimiinta ku boorriyay inay camiraan dhulka xattaa daqiiqad ugu dambeysa nolosha adduunyada oo Qiyaamuhu dhici rabo.

Si kastaba, xubno kamid ah bulshada Muslimiinta Milwaukee oo kaashanaya dhiggooda Mormon ayaa ku asteeyey Maalinta Adeegga Qaranka qabashada howlo nadaafadeed oo laga sameynayo degmooyinka iyo xaafadaha.

Ol’olaha oo loogu yeeray CleanUp waxaa la qabtay maalintii Sabtida waxaa ku wehliyay bulshada Muslimiinta ah xubno ka socday kaniisadda deegaanka.

“Aalaaba aragti silloon iyo fiiro qaldan ayaa laga qaataa Muslimka marwalba oo la arko, waayo waxaa laga baahiyay wax aan jirin sida inay yihiin argagaxiso dadka leysa,” ayuu yiri Lena Abukhamireh.

“Micno weyn ayayna noo sameynaysaa inaan beddelno aragtidaas oo aan doorkeenna bashariyadda iyo ilaalinta arlada muujino,” ayuu sii raaciyay.

Bulshada Muslimiinta ee Milwaukee waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 10,000-15,000 oo qof, waxaa degmada kula nool Masiixiyiin gaaraysa ilaa 5,000.

Waana markii ugu horreysay oo bulshada labada dhinac ee degmada ay iska kaashadaan nadaafadda iyo bilicda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!