MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Louisville, Kentucky ayaa albaabada u furaya dadyowga aan Muslimiinta ahayn ee diimaha kale heysta si looga jahli bixiyo aqoondarrida ka heysta diinta Islaamka iyo Muslimiinta.
“Waxaan iridaha u balaqaynaa walaalaheenna jaarka ah si ay wax badan uga fahmaan diinteenna – looga shaki iyo turxaan bixiyo ereyada iyo sheekooyinka ay warbaahintu ku marinhabaabiso ra’yulcaamka ee la xiriira Islaamka iyo bulshada Muslimiinta ah,” ayuu yiri Dr. Sabeel Ahmed oo hoggaan u ah GainPeace.
“Siyaasadda kacsan iyo jawiga aan is aaminaadda lahayn ee ka dhex abuurmay bulshooyinka deriswadaagta ah waxay mararka qaar keeneysaa in dadku ay iskood u doortaan bal inay wax ka fahmaan diinta Islaamka si ay u kala hubsadaan waxa laga sheegayo iyo xaqiiqadeeda.”
Ol’oluhu wuxuu qeyb ka yahay dagaalka Islaam-naceybka ah ee ka socda gudaha Maraykanka. Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in lagu dhiso kaabad isku xirta bulshada Maraykanka iyo Muslimiinta la nool.
Ol’olaha Visit My Mosque ama soo booqo masjidkayga ma ahan mid ku gaar ah Maraykanka. Dalal badan oo reer Yurub ah sida UK, Faransiiska iyo Norwey ayaa sannadle looga qabtaa.
You must log in to post a comment.