crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La-yaab: Magaciisa ayaa Musiibo ku noqday! | HimiloNetwork

La-yaab: Magaciisa ayaa Musiibo ku noqday!

MUQDISHO (HN) — 46 jirka lagu magacaabo René Martínez Gutiérrez dabci ahaan waa qof xasilan oo nabdoon. Laakiin taasi kama horjoogsan inuu galo gacanta booliska saddex jeer muddo 13 sanno gudahood ah siyaalo kala duwan.

Sababtuna waa inay isku magac yihiin nin dambiile ah oo baxsad ka ah booliska kaas oo sharcigu raadgurayay muddada intaas la’eg. Waxay isku magac yihiin horjooge laga cabsado oo ka ganacsada daroogada.

Markii ugu dambeysay oo la xiro waxay ahayd bishii tagtay kadib markii isaga oo booqasho ku bixinaya tuulo uu aaabihiis deganaa ay booliska ka qabteen gegida duyuuradaha. Waxaana uu xirnaa taniyo markaas.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!