crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Imamka Cunnada u kariya Darbi-jiifta. | HimiloNetwork

La kulan – Imamka Cunnada u kariya Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Imaamnimadu waa hoggaamin, wanaajin iyo isku dumidda dadka siiba jamaacada Masjidka iyo Muslimiinta si guud. Laakiin Metin Kaçar oo imaam ka ah masjid ku yaalla Istanbul, waxaa usii dheer inuu maalinle cunnada ugu kariyo jaarkiisa danyarta u badan oo aan heli karin cunno ay cunaan.

Waa 60 jir imam ka ah Masjidka Hürrem Çavuş muddo 26 sannadood ah. Sidaas oo ay tahay, marwalba oo uu kasoo jeesto shaqadiisa masjidka, wuxuu galaa jikada si uu cunno ugu diyaariyo ku dhawaad 100 qof oo danyarta ah oo isaga kala yimaada daafaha iyo duleedka masjidka.

“Waan jeclahay inaan cunno kariyo, waxaana dhacda inaan markay ugu yar tahay raashiin u kariyo dad gaaraya 40-50 qofood,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in beddelkii ay shaqaaleysiin lahaayeen qof cunno kariye ah uu isaga doortay inuu qeyb ka noqdo samafalka ay wadaan tusaale-na uu u noqdo da’yarta.

Laakiin masjidkani ma ahan kii koowaad ee sameeya samafal. Dhowr masjid sida mid la dhisay qarnigii 17aad ayaa soo kordhiyay adeeg nadaafadeed oo qubeys iyo meyrasho ka kooban oo dadka darbi-jiifta ah ka caawinaya inay dharkoodana ku dhaqdaan kana qubeystaan – iyaga oo isla markaana helaya cunnooyin diirran oo loogu diyaariyay Masjidka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!