MUQDISHO (HN) — Abdulrasheed Bello oo ah ku guuleyste iyo helaha abaalmarinta ka koobaan heesaha, muusikiistaha, hobolka heesaha kulul ayaa qaatay diinta Islaamka. Wuxuu u dhashay dalka Nigeria. Waana mid kamid ah kuwa ugu caansan dunida hal-abuurka heesaha iyo muusiga ee dalka dalka ugu dadka badan Afrika ee Nigeria.
Go’aankiisa iyo warka sheekadiisa ayuu ku baahiyay bartiisa instagram-ka. Wuxuuna ku hoos qoray – aad baan ugu farxay inaan jidkii saxda ahaa kusoo laabtay. Allaa mahad leh.
Wuxuu sheegay in in kasta oo uu ku dhashay Muslimnimada uusan haddana ku dhaqmi jirin Islaamka. Wuxuu intaas ku daray in dhab u qaadashadiisa Islaamka ay siisay farxad, xasilooni iyo nabad uusan weligiis horay u arag.
Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana sidoo kale ay tahay midda ugu ballaaran adduunka oo ay raacsan yihiin in ka badan labo bilyan oo dad ah.
You must log in to post a comment.