crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney gacmo la’aan ah oo 11 shumac ku shiday lugteeda in ka yar 60 ilbiriqsi | HimiloNetwork

Haweeney gacmo la’aan ah oo 11 shumac ku shiday lugteeda in ka yar 60 ilbiriqsi

Mexico (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Mexico, taas oo gacno la’aan ku dhalatay, ayaa dunida tustay inay maangal tahay in nolol raaxo leh la noolaado gacno la’aan.
39-jirta lagu magacaabo Adriana Irene Macias Hernandez oo ku nool Guadalajara ayaa jabisay rikoorka dunida iyada oo 11 kibriid ku shiday shumacyo wax ka yar 6o ilbiriqsi tiiyoo aysan lahayn laba gacnood.
Hernandez sidoo kale waxay qortay buugaag badan oo iibsi gal qiimo leh ku baxay.
Waxay wax kasta sida qoraalka, karinta, is-turukeynta, shanlaysiga madaxeeda u adeegsataa lugaheeda halkii ay ka adeegsan lahayd gacnaheeda ka go’an.
Dhawaantan, waxay kasoo muuqatay muuqaal fogaan-aragga laga daawanayay kolkaas oo ay rikoorkii ugu dhaqsiyaha badnaa ku shiday shumacyada farxad dhalasho iyada oo isticmaalaysa lugaheeda.
Najiitada waxaa marqaati ka noqday kormeerayaal ka socday buugga lagu keydiyo dhacdooyinka rikoorka sita. Hernandez waxay jabisay rikoor ka horreeyey oo ay heysatay Ashrita Furman.
Fiidiyowga ayaa muujinayay gabadhan oo u labisan si qurux badan taas oo hor-fadhisa tiro doolshooyin ah. Halkii doolshaba waxaa suran shumac.
Markii tirsiga saacadda u bilowday, waxay 11 tarraq ku shiday ii shumac wax ka yar 60 ilbiriqsi.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!