crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2015 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: September 2015

Muslimiinta Biljam oo helay dugsi sare oo Islaami ah

Brussels (Himilonews) – Ka fal-celinta doonista isa-soo taraysa ee helidda dugsiyo Islaami ah, dugsi sare oo Islaami ah kii ugu horreeyey ayaa furmaya maanta kaas oo qaabili doona dhowr tiro arday ah oo waqti dheer u darbanaa sugitaankiisa. “Waxaa ka jira doonis adag oo ku aadan dugsiyo Islaami ah gudaha bulshada Muslimiinta Biljam hayeeshe, nasiib-darro dugsigeennu mawada qaabili karo dhamaan ...

Read More »

Qaadka ayaa maamula ganacsiga Soomaaliya

Waajid, Koofurta Soomaaliya (Washington Post) – Kahor intii aysan burburin dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, Maryan Cali waxay macallimad ka ahayd dugsi hoose halkaas oo ay maalmaheeda waqtiga ku bixin jirtay inay casharrada  Juqraafiga iyo Xisaabta barto fasalka shanaad. Hadda waxay nolol maalmeedkeeda ka soo saartaa Qaadka “Jaadka”, kaas oo ah geed daroogo ah oo marka la ruugo dhaliya xaalad kacsan—neerfoose ...

Read More »

Nolol iyo fursado ka jira Dhadhaab

Dhadhaab, Kenya—(Himilonetwork) – Wax yar kadib hiirta waaberi, Bashiir Bilal wuxuu ku fariistaa ganbarkiisa hareerihiisana waxaa soo buuxsha gabanno wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo Qur’aan meeriya. Cunug walba waxaa dhabta u saaran loox halkii buugga lagu yiqiin kaas oo ay ku qoran yihiin far-Carbeed—aayado Qur’aan ah—kuna dhigan qad laga sameeyey dhuxul iyo biyo. Gudaha Soomaaliya, dugsiyada Islaamiga ah ...

Read More »

Nabaad-guurka ku socda Deegaankeenna

Jaleelo, Somaliland – Xasan Xuseen wuxuu jaraa 40-geed bil kasta si uu u shidaaliyo ganacsigiisa dhuxusha. Wuxuu si buuxda ula socdaa saameynta uu falkiisu deegaanka ku leeyahay. Hayeeshe xoolo dhaqato ahaan, keymuhu waa isha kaliya ee u hartay. Kaligiisna ma ahan. Boqollaal kun oo reer guuraaga xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ah ayaa, si lamid ah Xasan, deegaanka ku haya kuwaas oo dalkooda ...

Read More »

Ka ganacsiga Dhuxusha

Wardhiigleey, Muqdisho – Si maalinle ah toddobaad kasta, Maamooy waxay baqaar ay ku leedahay suuqa Siinaay ku iibisaa dhuxusha—wadar iyo hal-halba. Waxay iyada oo sidata boorsadeeda ku soo jarmaadaa seyladda si ay macmiisheeda uga iibiso dhuxusha oo ah ganacsi dhantaal ku wada isku dheelli-tirnaanta ka dhaxeysa deegaanka, duunyada iyo dadka. Bishiiba ku dhawaad 500-loor ayaa laga iibsadaa—taas oo faa’iido muuqata ...

Read More »

Muslimiinta Jejniya oo ba’ iyo baadi u dhaxeeya

Grozny (Himilonews) – Ugu badnaan 20—sano kadib dagaalkii koobaad ee Jejniya, kumanaan qoysas ah waxay wali baadi-goobayaan dhimaallada xigtadoodii lagu waayay intii lagu jiray labadii burbur dagaaleed ee Ruushka, kolkaas oo kumaakun Muslimiin Jejniyaan ah lagu dilay. “Mararka qaar, waxaan isku qabtaa dhaayaha waxaana arkaa wiilkayga. Waa sida isaga oo iisoo laabtay,” Zura Batayeva oo wiilkeeda la waayay 20—sano kahor ...

Read More »

Muslimad Biljam ah oo daaciyad Islaami ah noqotay

Brussels – Dhalinyar Muslimad Biljam ah ayaa ka caawisay 1000 qofood inay Islaamka aqbalaan kadib kolkii ay gurigeeda uga yeeshay kob-dacweed gaalada loogu yeero Islaamka kuwaas oo doonaya inay wax badan ka bartaan diinta. Saameynta ay ku yeesheen asxaabteeda Muslimiinta ah iyo raad-raacii ay diinta ku baadi goobaysay ayaa Veronique Cools ka dhigtay inay Islaamka qaadato xilli hore oo nolosheeda ...

Read More »

Burcad-badeed: Boob lagu xalaashaday Badaheenna!!

Qeybtii labaad; Muqdisho (Himilonews) – Culumada deegaanka ku xeel-dheer ayaa sheegay in dihinta Soomaaliya ee loo dhacay aysan suura-gal ahayn inay dib-uga soo kabato xittaa qarniyo dabadiis. Waliba waxaa adag, sida ay sheegeen, in dib loo helo jaadad kamid ah nuucyadii Kalluunka ee Soomaaliya ku gaar ahaan jiray. Waxaa kale oo ay ayaan-darro ku tilmaameen inay Soomaaliya waysay qeyb iska ...

Read More »

Burcad-badeed: Boob lagu xalaashaday Badaheenna!!

Qeybtii koobaad; Sanado kahor faallo ka hadlaysay ciidamo Hindiya, Maraykan, Ruush, Iiraan iyo reer Galbeed ah oo xeebaha Soomaaliya ka ilaaliya falalka qowleysi ee Burcad-badeedda ayaan ka aqriyay mareeg kamid ah mareegaha Soomaalida ah. Dib-u-sii meerinta faalladaas—xilligaas oo fikirba aan ka haysan falalka burcad-badeedda iyo howlaha is-bahaysi ee dalalkani ku ilaalinayaan xeebaheenna—macno buuran iima lahayn aqrinteeda. Balse hal su’aal ayay ...

Read More »

Xirfadleyda Japan: Shaqaale Xurmo iyo Xoolaba ku helay Xooggooda!

Tokyo, Japan (Himilonews) – Marka aad joogto Japaan iska ilaali inaad howl-wadeennada nadaafadda magac-bixin uga dhigto xirfadooda. Naaneysaha muujinaya liidnaan xirfadeed, waa ka mamnuuc gudaha Japan. Waayo ma ahan shaqaale lamid ah kuwa Soomaaliyeed oo ixtiraam iyo qadarin ku waayay howshooda. Tani waa qadarin iyo xurmo-dhowr dadka reer Japaan u hayaan howlwadeennada ku mashquulsan faya-dhowrkooda. Caadiyanba, dalka Japan lagama yaqaan ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!