crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2015 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: September 2015

Dhabbaha Jaceylka “Tunnel of Love”

Dhabbaha Jaceylka Dhabbaha Jaceylka waa marin dhabbe-bireed qurux badan oo ku yaalla Klevan, Ukraine. Waxaa dhex-mara waddo roor “Tariin” bara-baxsan fogaan dhan saddex kilomitir oo ku dhamaada bartanka warshad sameysa biraha iyo fiilooyinka. Roorku ama tariinku wuxuu kusoo noqdaa saddex jeer dhabbaha si uu alwaax u geeyo warshadda. Si kastaba, geedaha isku dhereran ee laba doc kaga teedsan wadada, ayaa ...

Read More »

Obama oo Aqalka-Cad ku casuumay arday Muslim ah

Washington, USA (Himilonews) – Kahor-tagista naceybka ka dhanka ah Islaamka, kumaakun oo dunida dacalladeeda saaran ayaa barta kulanka bulshada waxay ku dhigeen ereyo ay ku difaacayaan xaqa 9-jirka arday Muslim ah  kaas oo loo xiray kadib kolkii uu dugsiga u qaaday hal-abuur-saacadeed guri-ku-sameys ah. “Hal-abuur dhab ah, Axmed. Waxaan rabaa in halkan Aqalka-Cad aad kusoo ban-dhigto hal-curintaada. Waxaynu caadka soo ...

Read More »

Xoogagga Israa’iil oo masjidka Qudus weeraray

Al-Qudus – Xoogaga Israa’iil ayaa kol hore oo shalay subax ah waxay duqeeyeen Masjidka Al-aqsa iyaga oo adeegsanaya garneyllo iyo suntan dadka ka ilmeysiisa—halkaas oo dhaawac ay kasoo gaareen Muslimiin Filastiin ah oo masjidka ku cibaadeysanayay. “Bileyska ayaa gudaha galay. Inaan galno Masjidkana waa la inoo diiday,” Khadija Khuweis oo xubin ka ah ururrada rayidka ayaa u sheegtay AFP. “Waxay ...

Read More »

Islaam-naceyb lagu beegsado Muslimiinta Yurub

London (Himilonews) – Faafista cabsida ku dhex-jirta Muslimiinta Biritin, bileyska London Met ayaa shaaca ka qaaday in weerarada Islaam-naceybka ah ay kor u kaceen 70% halkaas oo haweenka indha-shareeran ay bar-tilmaameedka koobaad u yihiin weerarada. “Waxaynu ku aragnay wadooyinka ayaa ah in haweenka xijaaban ama qamaaran ay beegsi u yihiin weerarada Islaam-naceybka ah,” Fiyas Mughal oo agaasime ka ah Tell ...

Read More »

Tacsi loo diray musiibadii Xajka

Riyaad (himilonews) – Balan-qaadka ay dowladda Sucuudiga ku furtay sabtidii shalay oo ku saabsan dhimashada 107—ruux oo Xujeyda ka tirsan oo uu kusoo dumay dabaq kamid ah dabaqyada Masjidka weyn ee Xaramka Makka, hoggaamiyaasha dunida ayaa muujiyay tiiraanyada ay ku heyso dhibaatada gaartay xujeyda Muslimiinta ee ku geeriyooday. “Waxaynu ku deeqaynaa murugo iyo tiiraanyo dowladda Sucuudiga,” af-hayeenka waaxda dowladda John ...

Read More »

Madax iyo Mijo isku daalay!

Muqdisho (Mustaqbalradio) – 11-Sep 2012, Xasan Shiikh waxaa markii ugu horreysay magaciisa lagu hor-karay Madaxweyne Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. Taas oo ka dhigtay madaxweynihii sideedaad ee hoggaanka aan sugneyn ee Soomaaliya kala wareegay madax-weynihii hayaannada kala duwan kusoo kala gudbay aragtiyadii Islaamiga iyo af-meerista nidaamka dimuqraadiyadeed ee Shariif Shiikh Axmed. Xasan Shiikh, kadib madax-weyne ahaan, wuxuu kasoo tallaabay door badi ...

Read More »

Xaaji Soomaali ah oo ku geeriyooday Xajka

Makka, Sucuudi Carabiya (Himilonews) – Maxamed Xuseen Cumar, oo Soomaali ah, kana soo xirtay waqooyi Soomaaliya gudashada Xajka ee sanadkan, wuxuu kamid noqday shuhadadii ku geeriyootay wiish kusoo dumay xujeydii sanadka gudaneysay waajibaadka Xajka. Waa Muslimka kaliya ee ilaa hadda laga diiwaan-galiyay qowmiyadeenna Soomaalida ee sanad kasta kamid noqota xujeyda u safarta Sucuudiga. Maxamed wuxuu kamid ahaa meydadkii kol hore ...

Read More »

Gal-hareeri: gaax aan la maalin!

Muqdisho (Himilonews) – Erey-bixin ahaan, magaca Gal-hareeri waa gal—oo ka dhigan gol biyo ku jiraan iyo geedka Hareeri oo la isku daba-karay. Hareeri waa geed dhirta waweyn kamid ah oo qumaati u baxa. Dib-usii raad-gurista deegaan ahaaneed ee magaca laga dheehan karo, Gal-hareeri waa degmo ay dacallada kaga teedsan yihiin geedo dhaadheer oo hareeriga la bah-tirsada iyo golal biyuhu galaan ...

Read More »

Ceelbuur: xudunta iyo xadaaradda gobollada dhexe

Ceelbuur, Galgaduud (Himilonews) – Marka aad booqato degmada Ceelbuur xilli seyr-maweydo ah, la yaab yaanay kula noqon inaad ku sugan tahay jaziirad ku dhex-taal badda dhexdeeda. Hareerinta ay dooxooyinku weegaariyeen degmada iyo waraha xareedu gasho xilli roobaadyada ayaa muuqaalka Ceelbuur u dhiga sida jaziirad kamid ah jaziiradaha ugu toolmoon dhulka Soomaalida. Doogga iyo ugbaadka dhaaya-tiirsiga leh oo ay Neyluhu ku ...

Read More »

Xoogsato: Muruqiinu ha milgoobee, Miyirkiinna kaashada

Muqdisho (Himilonews) – Waxaa da’ayay roob aad u badan. Dharkaygii oo dhan badi way qoyeen. Markii aan tahli waayay inaan roobka ku socdo ayaan geed harac leh kaga okortay. Geedka hoostiisa waxaa yaallay gaari lagu hagaaginayay. Gudaha gaariga waxaa ku dhex jiray nin da’ dhexaad ah.  Waxaa u shidnaa raadyow uu idaacadda ka dhagaysanayay. Waxaan is-dhinac taagay daaqadda bidix ee ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!