crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Islaam-naceyb lagu beegsado Muslimiinta Yurub | HimiloNetwork

Islaam-naceyb lagu beegsado Muslimiinta Yurub

London (Himilonews) – Faafista cabsida ku dhex-jirta Muslimiinta Biritin, bileyska London Met ayaa shaaca ka qaaday in weerarada Islaam-naceybka ah ay kor u kaceen 70% halkaas oo haweenka indha-shareeran ay bar-tilmaameedka koobaad u yihiin weerarada.
“Waxaynu ku aragnay wadooyinka ayaa ah in haweenka xijaaban ama qamaaran ay beegsi u yihiin weerarada Islaam-naceybka ah,” Fiyas Mughal oo agaasime ka ah Tell MAMA oo ah urur diiwaan-galiya weerarada Islaam-naceybka ah ayaa u sheegay BBC-da.
“Waxaynu sidoo kale garowsanay in haweenka indha-shareeran ay dhibaatada ugu badan la kulmaan. Waxaa jira wax indha-shareerka ku jira oo Islaam-nacayaashu qoonsadeen.”
Mughal wuxuu la falan-qeynayay bileyska London Met shax muujinaysay in falalka naca ku dhisan ee lagu hayo Muslimiinta London ay tiradoodu 3-jibbaar kor u kacday sanad gudihiis.
In-ku-dhow 816—weeraro Islaam-naceyb ah ayaa la diiwaan galiyay intii u dhaxeysay July 2014—July 2015 marka lala barbar-dhigo 478-ka kiis ee isla xilli dhacay sanadkii hore.
Weerarada Islaam-naceybka ah ayaa ku baahay daafaha magaalada London sida laga soo xigtay bileyska.
Boqollaal danbiyo Islaam-naceyb ku saleysan ayaa ka dhacay guud ahaan UK sanadkii 2013, iyada oo bileyska Biritin ay si lamid ah u diiwaan-galiyeen koror weerareed Islaam-naceyb ah oo 49% ka badan sanadkii 2012.
-Haweeneyda Muslimadda ah-
Marka lo fiiriyo warbixinta Tell MAMA, ku dhawaad 60% dhibanayaasha lagula kaco Islaam-naceybka ayaa ah haweenka kuwaas oo sababo amni awgeed aan bileyska ula xiriirin—iyaga oo ka baqaya in la bar-tilmaansado.
“Waxaa jira sababo badan oo aad loogu bartilmaansado gabadha Muslimadda si ka badan wiilka Muslimka ah,” ayuu yiri Mak Chisty, oo lakabsare ka ah ka-hortagga falalka naca ku dhisan.
“Muuqaalkooda ayaaba ka dhigan astaan Muslimnimo. Waana taas sababta sida fudud loogu beegsado.”
Biritin ayaa hoy u ah tiro mug leh oo Muslimiin ah kuwaas oo 2.8 malyuun ah.
Horraantii sanadkan, Ururka ka hortagga kala-sooca iyo takoorka iyo barayaasha UK ayaa ka digay in falalka Islaam-naceybka ah ee ka jira dugsiyada ay neecaw culus oo aan hufneyn ku keeni doonto ardayda Muslimiinta ah—iyaga oo dowladda ku sheegay inay ku dhicisowday ka fal-celinta fadqalaladaas.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!