crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xoogagga Israa’iil oo masjidka Qudus weeraray | HimiloNetwork

Xoogagga Israa’iil oo masjidka Qudus weeraray

Al-Qudus – Xoogaga Israa’iil ayaa kol hore oo shalay subax ah waxay duqeeyeen Masjidka Al-aqsa iyaga oo adeegsanaya garneyllo iyo suntan dadka ka ilmeysiisa—halkaas oo dhaawac ay kasoo gaareen Muslimiin Filastiin ah oo masjidka ku cibaadeysanayay.

“Bileyska ayaa gudaha galay. Inaan galno Masjidkana waa la inoo diiday,” Khadija Khuweis oo xubin ka ah ururrada rayidka ayaa u sheegtay AFP.

“Waxay nagu eryanayeen sunta ilmada. Tani iyo saakayna waxay nagu cabsiinayeen garneyllo. Waxaan kaliya ku dukanay afaafka hore ee Masjidka.”

Weerarka ay Yuhuuddu ku qaaday Al-Aqsa, oo ah Xarunta saddexaad ee ugu xurmada badan Muslimiinta, kadib Makka iyo Madiina, ayay banaanka uga soo saareen Muslimiin gudaha Masjida ku cibaadeysanayay.

Goob-jooge Muslim ah ayaa xoogagga Yuhuudda ku eedeeyey in halkii loo baahnaa inay ka istaagaan Masjidka ay kasii gudbeen iyaga oo gubay qaar kamid ah salliyadii ay ku tukanayeen Muslimiinta.

Wuxuu intaas kusii daray in Muslimiinta 50-sano iyo wax ka yar jira loo diiday inay galaan Masjidka.

Filistiiniyiinta ayaa ku jawaabay tuuryada dhagxaan iyo dhalooyin holcaya, sidaas waxaa laga soo xigtay Ynetnews.com.

Weerarka ayaa daba-socda go’aan laysku maan-dhaafay oo uu toddobaadkii hore wasiirka gaashaan-dhigga Yuhuudda Moshe Yaalon ku diiday ururada rayidka ah ee Murabidad—Murabidun.

Labada urur waxaa lagu sameeyey bariga Jeruslam. Waxaana sameeyey Filastiiniyiin iyo Carab Israa’iili ah oo ka biya-diidsanaa weerarada soo noq-noqda ee deegaansiga Yuhuudda lagu baahinayo Masjidka Al-Aqsa.

Qalalaasaha ayaa yimid saacad kahor intii aysan bilaaban sanad-Yuhuudeedka cusub, Rosh Hashanah, kaas oo la filayay inuu socdo inta u dhaxeysa waaberiga ilaa gabbal-dhaca.

Al-Aqsa waa qibladii koobaad ee Muslimiinta. Waana kobta saddexaad ugu barakaysan arlada, kadib Makka iyo Madiina.

Israa’iil ayaa ku qabsatay magaalada barakaysan ee Qudus, daanta galbeed iyo buuraha Golan-height dagaalkii dhacay sanadkii 1967-kii.

Tani iyo markaas, Israa’iil ayaa cadaadis daran kusoo rogtay Filastiiniyiinta ku nool Qudus kuwaas oo qaarkood isaga hayaamay. Yuhuudda ayaa deegaansi iyo dhismooyin ku wada meelaha ay ka bara-kaceen Filastiiniyiinta.

Isha: Himilonews.com.

Zakariya Hassan “Hiraal.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!