Obama oo Aqalka-Cad ku casuumay arday Muslim ah
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
September 19, 2015
421 Views

Washington, USA (Himilonews) – Kahor-tagista naceybka ka dhanka ah Islaamka, kumaakun oo dunida dacalladeeda saaran ayaa barta kulanka bulshada waxay ku dhigeen ereyo ay ku difaacayaan xaqa 9-jirka arday Muslim ah kaas oo loo xiray kadib kolkii uu dugsiga u qaaday hal-abuur-saacadeed guri-ku-sameys ah.
“Hal-abuur dhab ah, Axmed. Waxaan rabaa in halkan Aqalka-Cad aad kusoo ban-dhigto hal-curintaada. Waxaynu caadka soo dhigaynaa dhallaan badan oo sayniska jecel. Waana waxa Maraykanka ka dhigay dal weyn,” madax-weynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku qoray bartiisa Twitterka.
Hal-abuurka ardayga Muslimka ah waxaa xiray bileyska Dallas kadib markii maamulka dugsigiisu ay ku eedeeyeen inuu rabay isku dayista sameynta bambo gacmeed.
Wuxuu quudarreynayay inuu hal-curintiisa kaga yaabsado barayaashiisa taas oo aheyd saacad ka koobneyd fiilooyin isku dherersan, xoog bixiye fiileysan oo leh humaag digital ah kuwaas oo ku jiray gudaha muuq jaaha ku leh fool shabeel.
Kadib markii barihiisa English-ka iyo maamulaha dugsiga ay ku war-galiyeen bileyska, Axmed waa la xiray waxaana laga diiday inuu lix xisood uusoo fariisto.
Gudaha sal-dhiga bileyska, waxaa su’aalo dhowr ah ardayga Muslimka ah ku weydiiyay afar sarkaal oo danbi-baarista kamid ah kahor intaan lasii deynin. Si kastaba, waxaa laga fiijyay dugsiga muddo saddex maalmood.
#Ol’ole ah LaIstaagAhmed oo looga gol leeyahay in taageero loogu muujiyo ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee xittaa ka baxsan dunida Maraykanka.
“Hadduu ahaan lahaan dhallaan cad waxay ku beegi lahaayeen Albert Einstein-ka xiga iyo wax lamid ah. ma doonayaan inay arkaan caruurteenna oo fal suuban falaya,” Ray DeRozen ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay.
Tiiyoo badi la canbaareeyey Islam-naceybka ay barayaashu kula kaceen ardayga Muslimka ah, raadato badan oo Twitter-ka ku xiriira ayaa bogaadiyay falka quruxda leh ee uu lasoo baxay wiilka Muslimka ah.
“Waxaa tahay haldoor. Dhamaanteen waynu kugu taageernay hal-curintaada. Waxaadna leedahay kaalin muuqata oo teknoolojiyadda kamid ah,” Rusell Simmons ayaa kusii daray.
Muslimiinta Maraykanka oo lagu qiyaaso 10—12 malyuun, ayaa Islaam-naceyb iyo takoor lagu hayay taniyo weeraradii 9/11 September.
Si kastaba, falka quruxda leh ayaa dhinac kale ka muujiyay doorka hal-curineed iyo fiiro-beegsi ee ku jira dhallaanka soo koraya ee Muslimiinta. Balse waa Soomaalida kuwa looga fadhiyo inay ubadkooda kasoo weeciyaan fiirada ku dhisan qabyaaladda iyo is-naceybka oo ay ku duwaan wax-wada qabsiga iyo kor-u-qaadista magaca sii liicaya ee Muslim-Soomaali ah.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-09-19
You must log in to post a comment.