crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhabbaha Jaceylka “Tunnel of Love” | HimiloNetwork

Dhabbaha Jaceylka “Tunnel of Love”

Dhabbaha Jaceylka
Dhabbaha Jaceylka waa marin dhabbe-bireed qurux badan oo ku yaalla Klevan, Ukraine. Waxaa dhex-mara waddo roor “Tariin” bara-baxsan fogaan dhan saddex kilomitir oo ku dhamaada bartanka warshad sameysa biraha iyo fiilooyinka.
Roorku ama tariinku wuxuu kusoo noqdaa saddex jeer dhabbaha si uu alwaax u geeyo warshadda. Si kastaba, geedaha isku dhereran ee laba doc kaga teedsan wadada, ayaa muuqaal cagaaran ka dhigay goobta—taas oo soo jiidata lammaanayaal badan—iyo sidoo kale sawir-qaadato usoo hilooba ku il-doogsiga Dhabbaha Jaceylka.
Waxaa la tilmaamaa in haddii adiga iyo lammaankaaga aad timaadaan Dhabbaha Jaceylka oo aad wax naawishaan—ay niyadiinu idin rumeyn doonto. Tani waxaa laga yaabaa inay tahay goob lagu ababiyo kal-gacalka ugubka ah.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan.
Tunnel-of-Love-in-Ukraine-2Tunnel-of-Love-in-Ukraine-2
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!