crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaaji Soomaali ah oo ku geeriyooday Xajka | HimiloNetwork

Xaaji Soomaali ah oo ku geeriyooday Xajka

Makka, Sucuudi Carabiya (Himilonews) – Maxamed Xuseen Cumar, oo Soomaali ah, kana soo xirtay waqooyi Soomaaliya gudashada Xajka ee sanadkan, wuxuu kamid noqday shuhadadii ku geeriyootay wiish kusoo dumay xujeydii sanadka gudaneysay waajibaadka Xajka. Waa Muslimka kaliya ee ilaa hadda laga diiwaan-galiyay qowmiyadeenna Soomaalida ee sanad kasta kamid noqota xujeyda u safarta Sucuudiga.
Maxamed wuxuu kamid ahaa meydadkii kol hore oo xalay ah loo diiwaan-galiyay Soomaali ahaan. Wuxuuna ku jiraa 108-shuhado ee ka kala socda dunida Muslimka ah ee dhibaatadii Xajka ku geeriyooday.
Geerida Xujeydan ayaa ka danbeysay kadib kolkii uu wiish kusoo dumay. Illaa hadda tirade meydadka ee la diiwaan-galinayo waa ay isasoo taraysaa maadaama wali la sheegayo inay jiraan dhaawacyo halis ah oo soo gaaray qaar kamid ah Xujeydii la socotay kuwa dhintay kuwaas oo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda.
Xajka ayaa waxaa ku socda dhismo. Waxaana sanadkan la diiwaan-galiyay tiro gaaraysa 3—malyuun oo Muslimiin ah inay soo xajiyaan. Mashruuca dhismaha ayaa la filayaa inuu muddo badan qaato.
Xajka oo ah kamid ah tiir kamid ah tiirarka Islaamka ayaa waxaa sanad kasta dunida Islaamka kasoo xirta Muslimiin badan kuwaas oo guta waajibaadkooda. Balse dhibaatada sanadkan la diiwaan-galiay ayaa ah tii ugu horreysay e enyigeeda oo kale ka dhacda Xajka. Waloow ay jireen sababo kale ee dhimasho iyo dhaawacyo ku keeni jirtay Xujeyda kuwaas oo ciriiriga iyo is-buursiga badi ka dhalan jiray.
Allaa yarxamu…. dhamaan walaallada Xujeyda ah ee ku geeriyootay musiibadaas.
La wadaag tiraanyadaada http://himilonetwork.com://himilonetwork.com oo barteenna Facebook noogu reeb aragtidaada ku aadan dhibaatada ka dhacday Xajka.
Isha: Himilonews.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!