Madax iyo Mijo isku daalay!

Muqdisho (Mustaqbalradio) – 11-Sep 2012, Xasan Shiikh waxaa markii ugu horreysay magaciisa lagu hor-karay Madaxweyne Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. Taas oo ka dhigtay madaxweynihii sideedaad ee hoggaanka aan sugneyn ee Soomaaliya kala wareegay madax-weynihii hayaannada kala duwan kusoo kala gudbay aragtiyadii Islaamiga iyo af-meerista nidaamka dimuqraadiyadeed ee Shariif Shiikh Axmed.
Xasan Shiikh, kadib madax-weyne ahaan, wuxuu kasoo tallaabay door badi kuwa siyaasadda kula jiray aanay badi soo marin oo ahayd inuu aragti bulsheed iyo ababiye tacliineed soo ahaa muddo badan oo noloshiisa ah.
Si taas loo fahmana, dad badan oo xagashaas ka eegayay waxay ka sugayeen oraahda ku habboon malahooda inuu kula tiraabi doono. Taas oo aheyd is-baddal. Hoggaan is-baddal doon ah oo waaya badan lasoo ahaa bulshada lakab sare oo rayidka ka tirsan.
Khudbadiisii ugu horreysay ee uu jeediyay wax-yar kadib caleema-saarkiisa ayuu ku sheegay inuu lix-tiir oo hoos imaanaya amni, caafimaad, waxbarasho, shaqooyin, garsoor iyo dib-u-heshiisiin sal uga dhigi doono qorshaha xukuumaddiisa cusub.
Ol’olihiisii ballaarnaa iyo sidii uu kusoo galay aragtida dacaayadeed ee bulshada oo lagu daray balan-qaaadyadiisii wada doorka ahaa, Soomaali badan waxay ifafaalo wacan la dhinac istaageen hana-qaadka xukuumadiisa.
Balse markii uu xilka kusii dhaqaaqay, dad badan maanay fileyn inay lasoo laaban doonaan hungo dheer iyo inay la niyad-jabi doonaan hab-dhaqankii ay ku yaqaaneen xukuumadihii hore.
Madax-weyne Xasan Shiikh, caadadii lagu yiqiin hoggaanadii hore kamaanu leexan. Taniyo bilowgii dowladiisa, wuxuu soo dhisay saddex xukuumadood kuwaas oo sedbursiinta ku dhisan igu-indha-qaad ay gun u ahayd dhicistooda. Hadda oo sanadqura ay uga dhiman tahay xukuumadiisa, Xasan Shiikh lama oga inuu afartiisa sano afar ra’iisul wasaare ku bar-beegi doono sanad kasta.
Badi dadka falan-qeeya nidaamka dowladeed ee Soomaaliya, waxay hoggaanada Soomaaliya ku tilmaamaan kuwo dalka ku taxaaba hal-fiiradooda gaarka ah. Taas oo inta badan soo dadajisa ismaan-dhaafkooda. Haddii Soomaaliya laga heli lahaa dowlad qorsho-howleedkeeda afarta sano daganaan iyo dulqaad ku qaabisha, waxaa hubanti noqon laheyd in wax badan oo la balan-qaaday guntigooda la beegsan lahaa oo rajada dhimanaysa ee Soomaalidana dib loo abaajin lahaa.
Balse waa dooryarida garsoorka iyo kaalinta muuqata ee musuq-maasuqa waxa dhibka weyn ku haya hanaan socodka dowladeed ee xukuumadaha Soomaaliya laga dhiso.
La soco qeybaha xiga……..
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!