crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gal-hareeri: gaax aan la maalin! | HimiloNetwork

Gal-hareeri: gaax aan la maalin!

Muqdisho (Himilonews) – Erey-bixin ahaan, magaca Gal-hareeri waa gal—oo ka dhigan gol biyo ku jiraan iyo geedka Hareeri oo la isku daba-karay. Hareeri waa geed dhirta waweyn kamid ah oo qumaati u baxa. Dib-usii raad-gurista deegaan ahaaneed ee magaca laga dheehan karo, Gal-hareeri waa degmo ay dacallada kaga teedsan yihiin geedo dhaadheer oo hareeriga la bah-tirsada iyo golal biyuhu galaan sida Gal-weyn oo kamid ah galalkii ugu horreeyey ee laga helo degmada. Ceelkii ugu horreeyey waxaa laga qoday ku-sinnaan 1958-dii.
Degmada Gal-hareeri waa degmooyinkii ugu danbeeyey ee lagu daro dhowr iyo 80-kii degmo ee xilligii kacaanka. Waxaa degmo ahaan loo aqoonsaday sanadkii 1989-kii. Waxaa ku yaalla dhamaan xarumaha dowladda hoose Sal-dhig bileys, Gaal-shire, xarunta Degmada, gegi diyaaradeed,  isbitaal iyo dugsi dowladeed kuwaas oo iskaa-wax-u-qabso lagu dhisay iyo aqalka madaxtooyada oo imaatinka madaxda lagu qaabilo.
Si lamid ah Maxaas oo Hiiraan ah iyo Cadaado oo Gal-hareeri kala tirsan gobolka Galgaduud, waa magaalooyinkii ugu danbeeyey ee lagu rasmiyeeyey digreetadii degmo-sharciyeynta ee maamulkii hanti-wadaagga ee kacaankii Siyaad Barre AUN. Waxay fogaan ka badan 450 oo km u jirtaa magaala-madaxda dalka ee Muqdisho.
In-kasta oo digreetada madax-weyne Jaalle Siyaad lagu oggolaaday degmo noqoshada rasmiga ah ee Gal-hareeri, qaar badan oo bahda wax-qorta kamid ah—ayaa si howtul-hamagnimo ah u duudsiiyaa xaqa degmanimo ee Gal-hareeri. Hal-qorayaashan ayaa u badan dhalin-yaro haddeer-indha-qaad ah iyo kuwa kale oo waayihii shalay iyo waqtiga maanta ahba aan cilmi-baarista, sooyaalka iyo taariikhda qoran wax kasoo garoocan karin. Tani waxay hal-halys aan fiicneyn kusoo tuurtay bahda Qalinleyda ah oo loo arkay kuwo aan si guud geyiga Soomaalida ah u wada aqoon oo ay doc-ka-eegis wax ku qoraan.
Gal-hareeri, lamid ma ahan badi degmooyinka kula yaalla gobolka Galgaduud kuwaas oo dhul dhooddi ama dibir ah. Gal-hareeri waa dhul cadduun ah oo ay ciiddiisu jilcan tahay kaas oo ku habboon beerashada dalagyo badan sida digirta, masagada iyo qaraha.
Gal-hareeri waxay bari ka xigtaa magaalo-madaxda gobolka ee Dhuusa-mareeb. Sida Ceelbuur, Gal-hareeri malahan laami ku xira gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka. Balse dhawaanta ay u jirto badda, Gal-hareeri waxaa lagu tilmaamaa kob carro-san kala jaad ah oo wax-beerashada ku fiican inay ku hareersan yihiin.
Gal-hareeri waa magaalooyinka ay dhifka aheyd in laga bara-kaco. Taniyo burburkii dalka iyo bilowgii dagaallada sokeeyaha, Gal-hareeri qax muuqda oo lagu kala irdhoobo kama dhicin. Gal-hareeri lamid ahan Ceelbuur, taas oo marmar dagaal beeleed looga barakaco in-kasta oo beryihii dhawaa Ceelbuur kusoo noqotay daganaan, hadana mar walba waxaa saameeya is-badallada maamul ee koofurta ku moogtama—kuwaas oo kob istiraatiji ah u arka Ceelbuur.
Waloow aan laheyn tira-koob quman oo lagu sameeyey wax-soo saarka dalagyada kasoo go’a Gal-hareeri, hadana waxaa lasoo weriyaa inay degmooyinka kale u dhoofiso dalagyo dhowr ah sida digirta. Waxaa kale oo wax-soo saarka Degmada kamid ah falagta oo loo daabulo gobollada kale sida Mudug iyo Nugaal.
Sanadihii dhawaa Gal-hareeri waxaa kasoo baxay aqoon-yahanno da’yar oo gobolka dib ugu laabtay si ay ciribtirka Jahliga iyo nooleynta wax-barashadeed ee aqoonta degmada uga qeyb-qaataan. Waxaa kale oo Gal-hareeri lagu xusuustaa inay kamid tahay degmooyinkii ku guuleystay tartamada aqooneed ee ay bisha Barakaysan ee Ramadaan bahda warbaahinta Muqdisho qabtaan.
Hadda waxaa ka jira dugsiyo dhowr ah oo ilaa heer sare gaarsiisan. Dadaallada ay qurba-joogta degmada ku bixinayaan dhinacyada wax-barashada iyo caafimaadka ayaa dadka deegaanka ku caawisay inay guryahooda howl-yari ugu qaataan manaahijta casriga ah ee waxbarshada iyo haqabtirka faya-dhowrka.
Sanadaha soo socda waxaa la filayaa in adeegyo dhowr ah oo horumarin ku aadan laga anba-qaado Gal-hareeri kuwaas oo hayaanka dheer ee loogu jiro casriyeynta degmada kaalin muuqata iyo door dhumuc leh ku lahaan doonta.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com.
Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!