Xoogsato: Muruqiinu ha milgoobee, Miyirkiinna kaashada
Posted by: Zakariya
in Faallooyinka
September 13, 2015
349 Views
Muqdisho (Himilonews) – Waxaa da’ayay roob aad u badan. Dharkaygii oo dhan badi way qoyeen. Markii aan tahli waayay inaan roobka ku socdo ayaan geed harac leh kaga okortay. Geedka hoostiisa waxaa yaallay gaari lagu hagaaginayay. Gudaha gaariga waxaa ku dhex jiray nin da’ dhexaad ah. Waxaa u shidnaa raadyow uu idaacadda ka dhagaysanayay. Waxaan is-dhinac taagay daaqadda bidix ee gaariga oo furneyd. Waxaan si dagan ula dhuuxayay waxa idaacaddu leedahay. Waxaa socotay dood ay barlamaanku kaga hadlayeen dadka xirfadleyda ajaanibta ah ee dalka usoo shaqo-taga. Xubnaha qaar ee keenay mooshinka looga doodayo dadkan ajaaniibta ah ee dalka kusoo badanaya, waxay qeyla-dhaan ka muujinayeen in booskii shaqo ee muwaadinka Soomaaliyeed la maroogsaday oo dad kale oo shisheeye ah lagu badalay jagadoodii. Waxay hal-heys ka dhiganayeen Axyaa Wadanii—astaan qaranimo oo Soomalidii nooleyd kaga tagtay Soomaalida dhimatay.
“Axyaa Wadani ku lahaa,” intuu yiri ayuu codkii idaacadda gaabiyay isaga oo caraysan. “Goormay wadaniyadu nooleyd. Sowtii la xabaalay,” ayuu sii raaciyay. Intaan dhankiisii jalleecay ayaan dhoolla-caddeeyey. Hubaal waan fahmi karay waaya’aragnimadiisa. Balse halka uu ka gubanayo ee shucuurta wadaniyadu ka gurgurayso, si quman uma bari-taari karin. Sidaas darteed, inaan si miyir-leh waaya’aragnimadiisa ula wadaago, waxay ii ahayd muhiim.
“Maxaa ku jaban haddii ajaanibta shaqada ka haya Soomaaliya la canshuuro. Sow dakhli dowladdu ka heli meydo?” ayaan si habboon ula wadaagay. “Taas waa aragtidayda ee wax ka dheer miyaa iga dahsoon?” ayaan usii raaciyay.
Intuu si guud-mar ah ii eegay ayuu dhoollaha caddeeyay. “Dal meesha ma yaallo, duni kalaa dihintiisii daldalatay,” ayuu hadalkiisii ku ibafuray. Hadda oo kaliya uma ahan. Sida aan ka dheehan karay wajigiisa, muddaba wuxuu qabay lahan uu ka dhaxlay waaya foolxun oo uu indhihiisa kusoo maragsaday taas oo arami sal-dheer ku noqotay uurkiisa. Hayeeshe, aramidaas uurkiisa ku qarsaneyd, waxaa sida billadaye usoo gudbinayay indhihiisa. Wuxuu bilaabay inuu wax badan iiga sheego waayihiisii kala duwanaa—markii uu ahaa xoogsade ka jillaabta xeebaha—kolna farsameeya doomaha kusoo hallaaba badda gudaheeda iyo maanta oo uu barriga ka xoogsado.
Aniga ahaantayda, wuxuu il iga xirneyd iiga furay waxa tabaale ka jira badda Soomaaliya oo dhac lagu xaalufiyay. Jillaabte ahaan, wuxuu sheegay in kolkay jillaab tagaan, ay lasoo laaban jireen dhib iyo dhaawac ay kala kulmaan maraakiibta shisheeye ee baddeenna ka kalluumaysta. Maraakiibta ayaa shabaqyada doonta jarjari jiray—doonnidana jajabin jiray—deedna waxay kusoo laaban jireen xeebta iyaga oo shidaal iyo wax walba qasaariyay oo aan wax muuqdana gacanta kusoo dhigin—marka laga yimaado doonni laga jabshay, shabaqyo laga halleeyey iyo dhaawacyo loo geystay. “Ma waxaad moodaa in burcad-badeeddu yihiin dad dhib-yari ku dhashay,” ayuu yiri isaga oo sii baqtiinaya codkii yaraa raadyowga ka socday. “Maya Wallahi, qaniinyaba qaniinyaa kaa fujisa,” ayuu isugu jawaabay. Dhab ahaan, wuu la dhacsanaa waxa Burcad-badeeddu ka wado badda Soomaaliya. Hayeeshe, baaxadda ay la egtahay wax ka fog dhaca iyo boobka ka jira badda Soomaaliya, isaga ahaan, uma muuqan. Wuxuu kaliya ayidsanaa fal-celinta yar ee ku aadan qafaalashada maraakiibta si looga qaato madax-furasho. Balse, hubanti wax ka weyn qafaal markab ayay badda Soomaaliya uga baahan tahay dadkeeda Soomaaliyeed taas oo ah in dabaadiga ka haray dihinteeda la badbaadiyo.
Maqal hoose oo ka yimid raadyowga oo xil-dhibaan golaha kamid ah uu ku lahaa: waa in la ansixiyaa mooshinka lagu xadidayo shaqaalaha ajaanibta ah si loo abuuro fursado shaqo ayaa sheekadeenni kala jartay. In cabbaar ah ayaynu wada aamusneen. Saa intuu sidii neef ruqaansi u hinganaya isku habeeyey ayuu rikoorkii wada damiyay intuu madaxa ruxay. “Dhibta ka jirta badda waxaaba kasii daran tan barriga taalla,” ayuu dhawaaq quus-leh ku yiri. “Waa kanaa Soomaali waa isla-weyni waxa horumarka u diiday. Xoogsatadu iyaguba duul roon ma ahan. Waayo iyaga booskii ay lahaayeen xejisan waayay,” ayuu kusii canaantay. Wuxuu hoosta ka xariiqay inay jireen shaqaalo Soomaaliyeed oo gunno yari aan sidaas usii buurneyn iskaga diiday howl-maalmeedkooda. Wuxuu tusaale usoo qaatay maalin isaga oo maraya degmada Wadajir inuu arkay dabaq ay dhisayaan shaqaale wada ajaanib ah kuwaas oo laga keenay Kenya. Waxay maalinkiiba ku shaqeeyaan 7$. Waxaana cunno dhaqan ahaan quud u ah oo Ugali la yiraahdo kana dhigan soor loogu kariyaa diqsi weyn. Markii uu waraystay milkiilaha dabaqa ay dhisayeen, wuxuu u sheegay inuu ku daalay xirfadley Soomaaliyeed oo uu itaal biday xirfadley qiima jaban oo uu Kenya kala yimid kuwaas oo mashaariicdiisa dhismaha u wada qabanaya. Markii uu su’aalay haddii uu damiir ahaan ku fayow yahay shaqaalaysiinta xirfadley shisheeye ah halkii walaal Soomaaliyeed uu xoolihiisa cunsiisan lahaa, wuxuu talo ahaan usoo jeediyay inuu isaguba u keeno shaqaale Soomaaliyeed oo sidaas ugu shaqeyn kara. Balse markii uu soo baarbaaray dhab ahaanta waxa jira, wuxuu soo hubsaday in eedaba qeybta ugu badan ay leeyihiin xirfadleyda xoogsata ee Soomaaliyeed. Wuxuu, isaga oo farta ku fiiqaya koox fuundiyaal ah ku tiraabay “Eeg halkaas sow uma jeedid inay shaqo la’aan yihiin oo ay u fadhiyaan joorno soo booddo ah. Haddii aad maanta ku tiraahdo fadlan midkiin Labarafiino yar ha iisoo qabto, waxay kuula dhaqmayaan sida inaad ku tiri; guri ii dhisa. Ma doonayaan inay waxyar kuugu howl-galaan. Meeshii ay joornati ahaan ku qaadan jireen 10$ hadaad 7$ tiraahdo kusoo raaci maayaan,” ayuu kusii tallamay isaga oo gar ku tilmaamay in xittaa fuundi iyo shaqaalihiisaba laga keeno Kenya.
Waxaa yara qayooday mayaygii. Illeen dani iigumay jirin inaad geedka kusii okorto, sidaas darteed, waxaan u haliilayay inaan anba-qaado—isaguna wuu dareen-qabay inaan sii huleelayo.
“Haye sxb faraj Allaha furo,” ayuu ku sagootiyay aniga oo wajigayga ka tirtiraya dhibicdii roobka. “Insha Allah sxb laakiin dhibta jirta waxay tahay shirkad kasta waxay la timid shaqaale shisheeye,” ayuu ku hayaan qabsaday. “Maxaa dalkan loo leeyahay shaqo la’aan baa looga tagay, sowtan shisheeyuhu usoo shaqo tagayo?” ayuu kusii karaar dhaafsaday isaga oo aan moodayn inaan kal-ka-geeddi ahay.
Wuxuu hoga-tusaale siiyay xirfadleyda Soomaaliyeed oo ku aadan shaqadooda. “Halkii ay ka biya-diidi lahaayeen inay gunno yar ku howl-galaan, waxaa ku habbooneyd inay gunnada yar ka dhigtaan tallaabta koobaad ee ay ku dhaqaaqaan,” ayuu ku bilaabay. “Dabeedna kolkay shaqada guda-galaan, laba maalin kadib, dirsadaan cabasho ku aadan gunno-yari. Markaas waxay yeelan karaan mudnaan. Waayo waxaa milkiilaha ku adkaanaysa inuu kala doorto in shaqadiisu habsaanto iyo inuu tix-gelin ku sameeyo kordhin gunno. Haddii ay sidaas kula dan-wadaagi lahaayeen hodantiilayaasha Soomaaliyeed, lama arkeen ajaanib xoogsato ku ah dal dadkiisu daleelaha ka joogaan,” ayuu igu soo daba-ridayay aniga oo sii huleelaya.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-09-13
You must log in to post a comment.