crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Biljam oo helay dugsi sare oo Islaami ah | HimiloNetwork

Muslimiinta Biljam oo helay dugsi sare oo Islaami ah

Brussels (Himilonews) – Ka fal-celinta doonista isa-soo taraysa ee helidda dugsiyo Islaami ah, dugsi sare oo Islaami ah kii ugu horreeyey ayaa furmaya maanta kaas oo qaabili doona dhowr tiro arday ah oo waqti dheer u darbanaa sugitaankiisa.
“Waxaa ka jira doonis adag oo ku aadan dugsiyo Islaami ah gudaha bulshada Muslimiinta Biljam hayeeshe, nasiib-darro dugsigeennu mawada qaabili karo dhamaan arday Muslimiinta ah—balse sanadkan waxaynu qaadanaynaa 200 oo arday ah kuwaas oo kal-fadhiga koobaad la diiwaan-galiyay,” Muxamad Allaf, xog-hayaha guud ee guddiga lixda-xubnood ee waxbarashada Islaamka ee Biljam ayaa u sheegay wakaaladda KUNA.
Dugsigan cusub ayaa fadhi siin doona fadhi 144-isugu jira gabdho iyo wiilal kuwaas oo kol hore la diiwaan galiyay, hadana wali waxaa jira 40-fadhi oo dheeri ah oo aan la qaabili karin.
Marka loo eego hab-sanadeedka rasmiga ee waxbarashada Biljam, Muslimiinta waxaa loo ogol yahay inay dhistaan dugsiyo ku bixi kara manhajka tacliineed ee Biljamka iyada oo xukuumaduna ay kormeerayso.
Wasaaradda waxbarashada ee Biljam ayaana bixinaysa mushaharka ay qaadanayaan barayaasha dugsiyada Islaamiga ah.
“Hayeeshe falsafadda tacliimeed ee dugsiyadeenna waa mas’uuliyadeenna si aan ardaydeenna u barno diinta Islaamka iyo hab-dhaqanka Carabta,” ayuu yiri Allaf oo ardayda ogeysiinayay in dugsiyada Islaamiga ah u dabaal-degi doonaan fasaxyada Islaamiga ah.
Iyada oo loo fiirinayo bulsho-weynta Muslimiinta ah ee ka yimid Morooko iyo Tuniisiya—kuwaas oo Faransiisku gumeystay—wax-barashada caadiga ah ee dugsiyada Islaamiga waxaa lagu bixiyaa afka Faransiiska.
Hadda, waxaa gudaha Brussels ku yaalla saddex dugsiyo hoose oo Islaami ah.
Kii ugu horreeyey waxaa lagu magacaabaa al-Ghazali kaas oo la dhisay 1989. Kii labaad oo isna la dhisay 2011, waxaa lagu magacaabaa al-Qalam iyo kan saddexaad oo la dhisay 2013 laguna magacaabo al-Fadilah.
“Tani waa markii ugu horreysay oo dugsi sare oo Islaami ah laga furo Biljamka, waxaana lagu magacaabi doonaa al-Fadilah 2,” ayuu yiri Allaf oo ah muwaadin Biljiyaan ah oo asal ahaan Marooko kasoo jeeda.
Marka laga yimaado dugsiyada Islaamiga ah, dugsiyada dhexe iyo sare waxay leeyihiin laba saacadood oo fasal-diimeed ah kuwaas oo ah diimaha laga aqoonsan yahay gudaha Biljamka sida Islaamka, Kiristaanka iyo Yuhuudda.
Biljamka ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee reer Yurub ah kaas oo aqoonsi diimeed rasmi ah ku oggolaaday Islaamka 19, July, 1974.
Ku dhawaad 25% dadka reer Biljam waa Muslimiin. Halka diinta Islaamkuna ay tahay midda ugu faafista badan dunida siiba Yurub gaar ahaan Biljamka.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!