Qaadka ayaa maamula ganacsiga Soomaaliya

Waajid, Koofurta Soomaaliya (Washington Post) – Kahor intii aysan burburin dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, Maryan Cali waxay macallimad ka ahayd dugsi hoose halkaas oo ay maalmaheeda waqtiga ku bixin jirtay inay casharrada  Juqraafiga iyo Xisaabta barto fasalka shanaad. Hadda waxay nolol maalmeedkeeda ka soo saartaa Qaadka “Jaadka”, kaas oo ah geed daroogo ah oo marka la ruugo dhaliya xaalad kacsan—neerfoose ama mirqaansan—iyo dareen marka dambe qofka ka dhiga mid tacbaan ah, daalan oo riyo ku jira.
Dumarka Soomaaliyeed ee wax-bartay sida Maryan Cali ayaa ugu badan ka ganacsiga Qaadka oo ah xirfad halkan laga qadariyo lagana caayo. Waana inta yar ee ka hartay fursadaha shaqo ee dhaqaalaha sii liicaya ee dalka Soomaaliya.            
“Haddii dalku uu weligiis noqdo caadi, waan joojinayaa iibinta Qaadka. Waxaana ku laabanayaa macallinimadaydii,” ayey tiri Maryan oo 40-jir ah, taas oo keydkeeda ku ilaalisa AK-47, waxayna leedahay ilig dahab ah taas oo ay tiri waxay muujinaysaa inaad “qof adag” tahay. “Maxaa kale oo aan sameeyaa si aan u noolaado?” ayey sii raacisay.
Soomaaliya, oo ah dal tirada dadkiisu yahay 10 million iyo wax ka badan, waa dalka adduunka ugu isticmaalka badan Qaadka. sida ay tilmaameen cilmi baarisyadu, da’yarta Soomaaliyeed oo ay cabsida geliyeen rabshadaha—kuna soo barbaaray qawaaniin la’aan—waxay Boqorka Qaadka “King Khat” ama “Mucjisada Miraa” oo ah magaca daroogadan loo yaqaan; u arkaan inay ka caawin karto yareynta xanuunnada.
Cilmi baarisyadu waxay hubaaliyeen in boqolkiiba 75% raga qaangaarka ah ee Soomaaliyeed ay isticmaalaan daroogadaas Qaadka la yiraahdo. Magaalo kasta waxay leedahay qol loogu talo galay Qaadka—halkaas oo raggu gabran yihiin saacado badan iyagoo dhegeysanaya Muusik aad u cod dheer—iyaga oo calalinaya caleenta cagaaran oo ay ka kasoo dheecaameyso calyo “candhuuf”: kuna lingaxanta ama ku dhegta ilkaha dhexdooda.
Isticmaalka Aalkolada iyo badanaa daroogadu ma ahan mid dhaqan ahaan laga aqbalo wadan Muslim ah sida Soomaaliya. Hayeeshe, calashiga iyo ka ganacsiga Qaadka waxaa loo tix-geliyaa arrin ciiro ama mugdi ku jiro qayaxnaanteeda. Sidaas darteed, Maryan Cali oo ah hooyo 10 carruur ah haysata, waxay dhex muquuratay ganacsiga daroogadan—taas oo ay tiri waxay suurta-gal uga dhigtay inay hesho lacag iyo inay daacad u noqoto falsafadda Soomaalida ee ah isku xirnaanta qabiilka—caabuq ay qabyaaladdu dhalisay.
Qaadku diidan kama ahan dalal badan oo ku yaalla Afrikada ka hooseysa Saxaraha. Waxaana laga adeegsadaa guud ahaan bariga Afrika iyo qayb ka mid ah Bariga Dhexe gaar ahaan Yemen. Waxa uu diidan ka yahay dhawr dal oo Afrika kamid ah sida; Tanzania iyo Eritrea. Sidoo kale waxa uu diidan ka yahay  Maraykanka iyo Yurub.
Sannadkii 1980 ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxa uu Qaadka u aqoonsaday daroogo aan qofku ka fuqi-karin ama uu iska dhaafi karin. Xilligaas ayaa hoggaannadii Geeska Afrika waxay u ol’oleeyeen diidista Qaadka iyaga oo isticmaalka badan ee Qaadka ku eedeynaya dhalinta furriinno badan, dumar badan oo la garaacay iyo shaqo lumid. Waxaa kale oo Qaadka sida ay tilmaameen uu sabab u yahay dayaca raggu beylaheen qoysaskooda iyo ku bixinta lacag iyo waqti fara badan cunistiisa.
Qaadku wuxuu aad uga baxaa ama ku kobcaa dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya. Halkaas waxay beeraleydu bilaabeen inay xididada u siibaan dhirta Qaxwaha “Coffee” oo ay badalkiisa ku beeraan caleenta cagaaran ee Qaadka. Tani waxay hoos u dhac ku keentay suuqa Qaxwaha gu’yaalihii 90—meeyadii iyo bilowga qarniga 21aad ee 2000. Maanta dalka Kenya waxa uu dhooofiyaa Qaad lagu qiyaasay lacag dhan $250 million sanadkiiba, kaas oo ka badan ama ka sara maray lacagta ay ka hesho caleenta Shaaha oo ah dalag lacag badani ka soo gasho dalka Kenya. Sidaas waxaa laga soo xigtay dawladda Kenya.
Maalin kasta waxaa labada garoon ee ugu weyn Nairobi ka duula dersin diyaarado ah oo daabula jawaano ay ka buuxaan Qaad kusii jeeda Soomaaliya. Lacagta ay Kenya ka hesho qaadka, waxaa lagu qiyaasay $300,000 maalintiiba. Sidaas waxaa sheegtay Hey’adda Qaranka Kenya ee u ol’oleysa kasoo horjeedsiga daroogada sida xun loo adeegsado.
Sida Tubaakada iyo Alkolada, Qaadku waa ganacsi ay wadaan dad aad isugu xiran—dan-wadaag iskaashato ah.
Qabqablayaasha dagaalka ayaa xakumi jiray ganacsiga Qaadka: lacagata kasoo baxdana waxay ku iibsan jireen hub—taas oo u ogolaaneysay inay sii heystaan xukunka qeybahooda dagaalka ee kala qoqoban. sidaas waxaa laga soo xigtay warbixin ay sannadkii 2003-dii Soomaaliya ka soo saareen koox waayo-raacdo ah oo QM ka tirsan.
Calashiga ama ruugidda Qaadku waxay dhintaa rabitaanka cuntada.Waxaana ay muddo dheerba ahayd dabeecadda dadka magaalooyinka deggan.
“Kulan kasta oo aan la qaadanno Jaaliyadda Soomaaliyeed, waxaa lagu xusaa in Jaadku yahay dhibaatada ugu weyn ee kasii dareysa,” sidaas waxaa yiri Regine Kopplow oo ah sarkaal ka tirsan QM qeybta u qaabilsan Nafaqada iyo Caafimaadka Carruurta ee Soomaaliya. “Dadku ma garanayaan wax laga sameeyo arrintan. Waxaa jirta Abaar. Waxaa jira dareen la xiriira ammaanka. Waxaa jira buufis “qulub” xaqiiqo ah. Waxay ku danbeyneysaa inay dhibaato gaarsiiyaan carruurtooda, kuwaas oo waayaya cilmi iyo cunno,” ayuu sii raaciyay.
Maryan Cali waxay shixnadeeda Qaadka maalin kasta ka heshaa qabqablaha dagaalka ee qabiilkeeda—oo ah mid kamid ah labada xakunta Qaadka Waajid—ahna magaalo habaas leh oo 200 miles woqooyi-galbeed ka xigta caasimada Muqdisho.
“Ma arko jid kale oo ka wanaagsan,” ayey ku tiri cod xabeeb leh iyadoo hab saf ahaan ah ula fadhida dumar kale oo ka ganacsada Qaadka oo hoos fadhiya suuq saqafkiisa laga sameeyey cooshado.
Iyadoo ay dumarku suulasha ku tirinayaan lacagta caddaanka ah, Maryan waxa ay haysaa caleemo cusub iyo laamo qoyan oo ku jira jawaan dhabta u saaran. Waa ay kala furtaa iskuna xirtaa—si ay u tusto kuwa iibsanaya—waana sidii iyada oo soo ban-dhigeysa dahab qaali ah. Qaadkeeda ugu wanaagsan waxaa la iibiyaa $15 xirmadiiba. Sida caadiga ahna waxay maalintiiba iibisaa 20 xirmo—taas oo ay lacagta ka qaadato boqolkiiba 20% oo faa’iido ah—oo ah lacag aad uga badan meel ay dadku ku nool yihiin wax ka yar $1 doolar maalintiiba.
“Waxaan dareemaa mararka qaarkood in tani tahay ciqaab,” ayey tiri iyada oo salaaxaysa dhafoorkeeda. “Qaraabadaydu waxay mar kasta igu yiraahdaan faraha kala bax iibinta Qaadka, laakiin taas ma awoodo.”
Maryan Cali safarkeeda dheer ee ay ku timid suuqa karaya ee Waajid, waxa ka horreeyey dhacdooyinka hoobashada dalkeeda. Waxay ku dhalatay Woqooyiga Soomaaliya, laakiin aabaheed oo ahaa sarkaal sare oo askari ah, ayaa qoyska u soo raray magaalada Waajid. Waxayna noqotay macallimad, waxaana ay ismehersadeen nin ay macallin wada ahaayeen.
Markii Maxamed Siyaad Barre la saaray 1991, qabqableydii dagaalka waxay bilaabeen inay kala dhanbalaan dalka—iskuulladiina la xiro—si degdeg ah ayay markaas Maryan u noqotay shaqo la’aan.
Iyada iyo dumar kale oo ay garanayso waxay galeen shaqo kasta oo ay heli kareen. Qaadwale-nimo ayayna ahayd. Waxaana ay ula muuqatay inay dhaanto intii ay kamid noqon laheyd kuwo dagaalamaya ama qaadanaya cunto deeq ah oo gacanta loogu ridayo. “Waxaan ahaa qof waxbaratay; taasna ma samayn karin,” ayay tiri.
Ninkeedu wuxuu dhex muquurtay qulub “Buufis” shaqana maheli karin. “Ninkaygu waa meermeerti, gebi ahaanba aan shaqeynin; anigoo dumar ah maxaan sameyn karaa?” ayay tiri. “Raggu waxa kaliya oo ay garanayaan waa dagaalka iyo dhimashada. Dumarka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay noqdaan kuwo keenaya nolol maalmeedka qoyska.”
Waxay Maryan sheegtay inaysan weligeed Jaad calalin/ruugin ama cunin. Waxa kaliya oo ay ka qaadataa lacagta caddaanka ah. Waxayna isku daydaa inay ahaato—daacadda uu noqon karo qof Qaadwale ah—taas oo macnaheedu yahay weligeed ma iibiso Qaad baarixi ah. Tani waxay ku dhacdaa iyada oo Qaadka ka daboosha fallaaraha Cadceedda, hayeeshe, inkasta oo ay sidaas tahay hadana mararka qaar shaqadeedu waa mid halis leh oo aan la saadaalin karin caqabadaha ku jira.
Kol dhawayd, niman hubaysan ayaa ka dhacay Qaad qiimihiisu ahaa qiyaastii $3,000 iyaga oo rasaasta cirka u riday; markii danbana cagaheeda ku ridey rasaasta. Waxa ay tiri, “Waxaan u maleeyay in la i dilayo.”
Aamina Samaan Maxamed, oo 37-jir ah, waxay sidoo kale ahaan jirtay macallimad. Waxana ay hadda ka shaqaysaa Maryan Cali dhinaceeda ee suuqa Qaadka ee Waajid. Waxay shaqadii macallinimada joojisay sannadkii 1991. Waxa ay markiiba bilowday iibinta Jaadka sababtoo ah ayay tiri, “Waxaan lahaa siddeed carruur ah, iskuuladiina waa la xiray. Majirin fursad kale oo ii furnayd mana haysan lacag ku filan cunto.”
Iyada iyo Maryan Cali badanaa waxay ka wada hadlaan riyadooda ah inay ku laabtaan shaqadoodii macallinimada.
“Tani waa dhibaatada ugu weyn ee noloshanada: taas oo ah inaysan weligeed jirin isbedel dhab ah. Waxaan ku xannibanay kala hufidda caleemahan,” ayay tir Aamina.“Taasi waa hab nololeedka Soomaaliya.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!