crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nolol iyo fursado ka jira Dhadhaab | HimiloNetwork

Nolol iyo fursado ka jira Dhadhaab

Dhadhaab, Kenya—(Himilonetwork) – Wax yar kadib hiirta waaberi, Bashiir Bilal wuxuu ku fariistaa ganbarkiisa hareerihiisana waxaa soo buuxsha gabanno wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo Qur’aan meeriya.
Cunug walba waxaa dhabta u saaran loox halkii buugga lagu yiqiin kaas oo ay ku qoran yihiin far-Carbeed—aayado Qur’aan ah—kuna dhigan qad laga sameeyey dhuxul iyo biyo.
Gudaha Soomaaliya, dugsiyada Islaamiga ah aalaaba waa deeq-tacliimeedka lagu canqariyo cindiga caruurta, hayeeshe, halkan xerada qaxootiga ee Dhadhaab waa anba-qaadka koobaad. Waxyar dabadeed isla maalintaas, caruurtu waxay u kacaan iskuullo hoose, dhexe iyo sare oo lacag la’aan ah. Halka deeqaha tacliinta sare lagu heli karo waxbarasho jaamacadeed.
Halgaadnida iyo hal-dhicista waayaha, nolosha qaxootinimo waa tabaale adag. Hayeeshe, Soomaalida muddaba ku noolaa halkan, waxay Dhadhaab u arkaan guri fursaduhu nageeyaan.
Bilaal, oo 47-jir ah, wuxuu ku noolaa Afgooye oo 30-km waqooyi galbeed kaga beegan Muqdisho. Markii uu Dhadhaab yimid shan sano kahor, wuxuu helay dheeraad waxbarasho oo uu ku heli waayay Soomaaliya halkaas oo lacagtu sarreyso—caruurtuna aysan helin aalaaba fursad ka baxsan kaalmeynta reerahooda.
“Caruurta halkan ku nool waxay ku naaloonayaan fursado waxbarasho fiican,” ayuu yiri Bilal. “Waxay is-baddal ku sameyn doonaan Soomaaliya kolkay ku laabtaan.”
Hadda kolkay ku laaban doonaan waa ku kala maan. Dowladda Kenya ayaa qaabishay qaxootiga Soomaalida ah taniyo 1991, markii dagaalka sokeeye uu dalka laba u kala dhanbalay. Jeer iyo waagaasna, Dhadhaab waxay ku socotay inay noqoto xero deegaaneedka qaxooti ee ugu weyn dunida taas oo hoy-galisay in-kabadan daganaal gaaraya 350,000.
Kenya hadda waxay doonaysaa in xerada iridada la iskugu laabo iyada oo ku sheegaysa inay gabood iyo gaaxba u tahay ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab.
Albert Kimathi, oo ah kormeere sarkaal dowladda ah, una dhigan ku-xigeenka baarasaabka ee amniga gobolka, wuxuu Dhadhaab ku tilmaamay dudun Al-Shabaab taas oo dareen lagu dugaashado. “Halkani waa ishay kasoo maaxdaan,” ayuu yiri.
“Qofna kuma far-fiiqayo argagixiye, hayeeshe tiro dhowr ah oo argagaxisada ah waxay ka yimaadeen Soomaaliya. Dadkani waa mid waana isku si,” ayuu sii raaciyay Kimathi.
-Rajo iyo Riyo-
Dadka ku nool xeryaha qaxootiga waxay eedeymahan u arkaan tilmaan tiigsi la’.
Yacquub Cabdi, wuxuu kasoo tagey magaalo xeebeedka koofureed ee Kismaayo sanadkii 2011 kadib eedsiis ay Al-Shabaab ku doonayeen inay ku fuliyaan. Wuu dhibsadaa mana jecla Al-Shabaab. Sidaas darteed, wuxuu ku biiray koox is-xil-qaantay oo xaaladaha qaayibka ku ah xeryaha indhaha ku haysima.
“Halkani ma ahan goobtay ku dhuuntaan,” ayuu yiri 29-jirka ah aaba leh laba caruur. 260-ka xubnood ee kula jira Kooxda Badbaadada iyo Nabadda Bulshada ayaa halhaleel ula socda dhaq-dhaqaaqa soo-galooti kasta oo xeryaha ku cusub—wixii dheeraad ku ahna la wadaaga waaxyada Nabad-sugidda.
“Al-Shabaab meeshan ma joogaan,” ayuu sii raaciyay, hayeeshe wuxuu ka digay in uuryaalkoodu uu si ballaaran ugu fidsan yahay seeraha aan la ilaalin ee 80—km xeryaha bari ka xiga taas oo ka dhigan inaanay hadana aad usii fogeyn.
Tiiyoo gabaadyo meel-ku-gaar ah ay ku nool yihiin kuna helaan gasiin isku dhafan oo dhif ah, Dhadhaab ma ahan meel lagu uur-xun yahay iyo kob rajo-beeshay.
“Dadku waxay u qabaan inaysan nololi ka jirin xeryaha, hayeeshe waxaa ka jira nolol,” ayuu yiri Liibaan Maxamed, oo 28-jir filim-sameeye ah kaas oo Kismaayo ka yimid. “Waxaa jira dhibaatooyin hayeeshe waxaa kale oo jira rajooyin iyo riyooyin.”
Maxamed rajadiisu waa inuu dago Maraykanka halkaas oo hooyadiis iyo walaaladiis ay kol hore ku noolaayeen. Halka kuwa kalana rajadoodu u dhowdahay dhulkii hooyo.
Muxamed Cusmaan waa sarkaal caafimaadeed tababaran kaas oo 15-kii sano ee ugu danbeeyey talooyin caafimaad iyo daweynba bukaanadiisa ugu sameeya rugtiisa. Wuxuu kasoo hayaamay Soomaaliya 1992. Wuxuu xeryaha ku helay nabad-galyo u suura-galisay horumarinta noloshiisa.
“Caruurta ku nool Soomaaliya malahan rajo,” ayuu yiri 42-jirka ah aabe 12-caruur ah ka dhalay laba xaas. “Caruurtaydu halkan ayay wax ku baranayaan.” Maxamed malahan go’aan uu dib ugu laaban karo dhulkii hooyo, waayo wali waxaa ka jira nabad-galyo xumi.
Nuskii Dubai-
Xero kasta waxay leedahay suuq u gaar ah, hayeeshe suuqa Xagardheere waa midka ugu dhismo fiican. Sarkaal Kenyan ah ayaa ku qeexay inay tahay “Nuskii Dubai.”
Waxaa ku yaalla hoteello, maqaaxiyo iibiya hilibka iyo caanaha geela, lo’da iyo ariga, miraha iyo goosaarrada kala ceynka ah, pasta, bariis, caana-boore, sokor—kuwaas oo badi laga keeno Soomaaliya laguna iibiyo qiimo jaban—qalabka korontada, nuucyadii ugu danbeeyey ee moobillada, dharka, kobaha iyo nuucyada qaar ee qudaarta sida afokaadhada, tufaaxa iyo wixii lamid ah.
Cali Saha, oo ah 23-jir jaamacad ka qalin-jabiyay kaas oo xarun internet ku leh xerada, wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa ku laabashada dhulkii hooyo, walise aysan u hubsaneyn.
“Waxbarashadu waa dheef: xagashaas ah inaad qaxooti tahay iyaduna ma xuma,” ayuu yiri. “Waa inaan ku laabto si aan karaankayga wax ugu qabto bulshadayda Soomaaliyeed, hayeeshe waxaan u baahanahay inaan laabto kolkuu dalkaygu dago.”
Isha: Himilonetwork.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!