crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nabaad-guurka ku socda Deegaankeenna | HimiloNetwork

Nabaad-guurka ku socda Deegaankeenna

Jaleelo, Somaliland – Xasan Xuseen wuxuu jaraa 40-geed bil kasta si uu u shidaaliyo ganacsigiisa dhuxusha. Wuxuu si buuxda ula socdaa saameynta uu falkiisu deegaanka ku leeyahay.
Hayeeshe xoolo dhaqato ahaan, keymuhu waa isha kaliya ee u hartay. Kaligiisna ma ahan.
Boqollaal kun oo reer guuraaga xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ah ayaa, si lamid ah Xasan, deegaanka ku haya kuwaas oo dalkooda dhigaya dhabbihii uu ku tagi lahaa nabaad-guur halis ku noqda geyi dhan oo dalkooda ah inuu lama-degaan isku rogo.
“Waxaan ahaa xoolo-dhaqato hayeeshe waxaan duunyadaydii ku waayay cudurro iyo macluul galaafatay: aniga ayaana reerkayaga ugu weyn,” ayuu yiri Xuseen, oo 27-jir ah kaas oo intaas kusii daray inuu guriga ku quudiyo 10 afaf—laba caruur ah, toddobo walaalo iyo hooyadiis.
Afar sano kahor, Xuseen wuxuu lahaa 25-geel iyo 3-tiro oo ari ah. Hadda kaliya 3-tulud 15- neef oo ari ah ayaa ka hartay kadinkii geela iyo 3-dii tiro ee ariga.
Hadana aroor kasta, isaga oo garabka ku sita misaar, wuxuu u jarmaadaa inuu soo helo geedo uu dhuxul ka shito.
Marka uu helo oo uu jaro geed, waxay ku qaadataa laba maalin inuu ku gubo iyo laba maalin oo dheeri ah inuu ku diiriyo kahor inta uusan dhuxul ahaan ku iibsan lacag dhan 7$ jawaankiiba.
Degmada Jaleelo, oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, waxay mar ku naaloon jirtay ahaanshaha wadnihii dixida iyo dareemada “savannah.”
Sahmiyaha Biritish ee Harald Swayne wuxuu dib-u-tiriyay xusuustiisii qarniga 19aad, kolkii uu horin socota oo raxan Maroodiya ah halkan ka ugaaran jiray.
Hayeeshe Maroodigii u danbeeyey waxaa la dishay 1958. Haddii Swayne uu maanta dib ugu sodcaalo halkan, indhihiisu way ka abaarsan lahaayeen aragtida raad iyo raq Maroodi ku leg leh midna oo waagaas ka yimid.
“20% oo keymaha ah waxay le’deen 10-kii sano ee ugu danbeeyey—dhabtii dalkani wuxuu ku socdaa lama-degaan,” ayuu yiri Ahmed Diiriye Cilmi oo agaasime ka ah waaxda keymaha ee wasaarada deegaanka ee Somaliland.
“Haddii nabaad-guurku uu sidan kusii socdo, dalkan wuxuu isku rogi doonaa lama-degaan 30—sano kadib,” ayaa laga soo xigtay Axmed Ibrahim Cawaale oo kamid ah ururka Candlelight oo badbaadada deegaanka iyo faya-dhowrka bulshada u qaabilsan Somaliland.
Geedaha oo dhan way le’an doonaan.
Shidaalka dhuxusha aalaaba lama doorbidi jirin gudaha Jaleelo.
Saddex sano kahor ku faafista xanuunka Rift Valley ee geeska Afrika ayaa ku sababtay dalalka Gacanka inay joojiyaan dhoofsashada xoolaha nool taas oo xoola-dhaqatada ku kaliftay inay il kale dakhli ka raadiyaan.
Hayeeshe waa magaaloobidda iyo qaraxa dadweynaha kuwa dhibta weyn ku haya bad-qabka deegaaneed ee dalka.
Magaala-madaxda labaad ee Soomaaliya, Hargeysa, waxay leedahay dadyow gaaraya 850,000 oo ah lix-jibbaarka dadkii ku noolaa 1970, waxayna shitaan celcelis ahaan 250-tan oo dhuxul ah.
Cilmi wuxuu sheegay in dhuxushu tahay isha ugu weyn ee tamarta, maadaama korontadu dhif-dhif tahay—qaalina ku tahay dad badan.
Nabaad-guurka koror-dhaafka noqday gaar kuma ahan kaliya Somaliland. Gudaha koofurta Soomaaliya, deegaanno dhowr ah waxay QM ku asteysay goobo macluuleed halkaas oo nabaad-guurka deegaankuna uu ku socdo si durdur ah.
Si loo muujiyo halista nabaad-guurka, madaxweyne Xasan ayaa bilowgii shaqadiisa wuxuu soo saaray qaraar uu ku ayidayo baaqa QM ee ku aadan dhoofinta dhuxusha.
Si kastaba, wax ka badan baaqyada QM iyo madaxtooyada ayaa loo baahan yahay si loo soo af-jaro nabaad-guurinta.
Ilo kale oo danab laga dhaliyo waa in bulshada lagu jeediyo halka ol’ole ballaaran oo ka dhan ah nabaad-guurintana loo baahan yahay in la anba-qaado iyada oo qaar xoolo-dhaqatada kamid ahna lagu duwayo wax-beerashada.
Gudaha dal dowladiisu ay horyaaliin caqabado dhowr ah, arimaha deegaaneed ahmiyad buuran malahan.
“Wasaaradda deegaanku waxay leedahay jaangoynta ugu yar taas oo aan xittaa baahiyaha shaqaalaha wasaaradda aan ku filneyn,” ayuu yiri Cilmi.
Dhamaan geedihii koray way wada le’deen….kolkii hore qofku hal geed oo qura ayuu ka heli jiray 25-loor oo dhuxul ah: maantana hal ama labo,” ayuu yiri Cawaale.
Is-dhimistaas darteed, qiimaha dhuxusha ee Somaliland afartii sano ee ugu danbeeyey waxay isku laba jibaartay 10$ loorkiiba.
“Goor kasta oo aan geed jaro, uumi qaraar ayaa afkayga ku bida,” ayuu yir Xassan. “Mustaqbal aan dhur lahayn ayaan fileynaa illeen geedaha oo dhan ayaa le’an doona.”
Isha: Himilonetwork.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!