Ka ganacsiga Dhuxusha
Posted by: Zakariya
in Wararka
September 9, 2015
963 Views
Wardhiigleey, Muqdisho – Si maalinle ah toddobaad kasta, Maamooy waxay baqaar ay ku leedahay suuqa Siinaay ku iibisaa dhuxusha—wadar iyo hal-halba. Waxay iyada oo sidata boorsadeeda ku soo jarmaadaa seyladda si ay macmiisheeda uga iibiso dhuxusha oo ah ganacsi dhantaal ku wada isku dheelli-tirnaanta ka dhaxeysa deegaanka, duunyada iyo dadka.
Bishiiba ku dhawaad 500-loor ayaa laga iibsadaa—taas oo faa’iido muuqata ku leh kororka dhaqaale ee nolosheeda. Iyada ahaan, ganacsigan waa mid ay ku kalsan tahay shaqadiisa. Kaligeedna kuma ahan.
Waxaa jira is-kaashatooyin haween u badan kuwaas oo dhuxusha ka ganacsada.
Dardarta ganacsi ee dhuxushu ku leedahay dhaqan-dhaqaalaha, dad badan waxay fursad u arkeen ka ganacsigeeda. Maamooy waxay—markii ay kasoo tagtay dalalka Carabta—muddaba ka fikiraysay waxa ay ku qaban karto raasamaalka ay kala timid dunida Carabta. Hadda kadib indha-indhayn ay kusoo dhugatay ilaha kala duwan ee fursadaha ganacsi, indhaheedu waxay qabteen dhuxusha taas oo ay is-tustay inay dhaanto dhinacyo badan.
“Waayo waa il kamid ah ilaha ugu badan ee dhaqaalaha laga sameeyo gudaha Soomaaliya,” ayay tiri Maamooy oo aan baqaarkeeda ku booqday kaas oo jawaanno rasaysan oo dhuxul ka buuxdo ay ku jireen kuwaas oo isugu jira higis duug ah iyo hal-cusub oo hadda un baqaarka lasoo dhigay. “Kolay iima muuqato shaqo kale oo aan ku doorsado.”
Jidka dheer ee ku taga baqaarkeeda—kaas oo raadka dhuxushu ku reebtay awgeed marin-madow noqday—waxaa kusoo socdaala dad badan oo macmiisheeda ah kuwaas oo si maalinle ah dhuxul uga iibsada.
Iyada oo dumarka kula jira iibinta dhuxusha ay kiilo iyo wax yar ku beegayaan bacooyin, Maamooy waxay banaanka soo dhigaysaa loorar kala mug weyn oo dhuxul ah—guntiga ayay loor kasta ka furaysaa si loo qiimeysto—dabadeedna shantii daqiiqaba qof ayaa ku yimaada rugteeda si uu dhuxul uga iibsado: loor ama bac. Dhuxusha ugu badan waxay iibisaa 250 sh. Som halka tan ugu yarna iibiso 6000 sh. Som.
Dhowr gaadiid waaweyn oo xamuul ah ayaa Muqdisho soo gala maalin kasta kuwaas oo dhuxul lagu soo raro. Kadib dadaal dheer oo lagu soo galiyo suuqyada si looga ganacsado, Soomaali badan waxay dalkooda ku yihiin sida shilin dhiigga ka nuugaysa dhogortii ay saarneyd. Ganacsatada dhuxushu, dareen ahaan, lamid ma ahan reer Miyiga geedaha jara—kuwaas oo saameynta ay deegaanka ku dhigaan fal-celinteeda si dhab ah u dhadhamiya.
Howsha dhuxul-keenistu waa shaqo ay ka horreyso howlo adag. Marka geed ku habboon dhuxul ka shidashada la helo, waxay shaqadiisu qaadataa laba maalin in lagu gubo—iyo laba maalin oo kale in lagu diiriyo—kahor inta aan dhuxul ahaan loorar lagu soo daabulin.
Isticmaalka dhuxusha waa isha kaliya ee xoogga tamarta ee laga adeegsado dalka geeska Afrika dhaca ee Soomaaliya maadaama ay korontadu tahay dhif—qaalina ku tahay dad badan.
Balse hadda oo qura ma ahan isticmaalsigeeda. Dhuxushu waligeedba waxay soo ahayd isha kaliya ee tamarta loo adeegsado. Hayeeshe, waxaa looga dheefsan jiray hab dheelli-tiran oo horumarin ku jaan-go’an. Xilligii Kacaanka, dowladdii Siyaad waxay sanadkiiba dhuxusha u jideyn jirtay in gobol qura laga jaro. Markuu sanadkaas idlaadana waxaa loo gudbin jiray gobol kale. Sidaas waxaa ku fududaan jirtay in gobolka mar la xaalufiyo uu dib usoo kabsado iyada oo aan sanado dhowr ah dib loogu laaban. Waxaa kale oo jiray ol’ole dhir beeris ah oo lagu hormarin jiray keymaha. Waxaa intaas kasii fogeyd, dhuxushu waxay ahayd mamnuuc in dibadda loo dhoofiyo.
Maanta, intaas oo dhami waxay ka baxeen daaqadaha. Hayeeshe, waxa kaliya ee haray waa in dhuxusha sidii waagaas si kasii daran loo isticmaalo.
Dhibta ugu weyn ee dhuxul-ka-ganacsigu deegaanka ku reebtay ma ahan isticmaalkeeda faraha ka baxay. Waa fal-celin la’aan quman oo halhaleel ah oo aan lala gaarin meelaha geedihii ku yiilay loo idleeyey dhuxul awgeed. Halkii geed lagu beeri lahaa geedkii ka baxay, waxaa looga tagaa habaas iyo danbas. Taas oo isku rogta ban gabaahiir ah. “Tani waxay hubaashii dhantaal ballaaran ku keentay isku dheelli-tirka isku xiran ee ka dhaxeeya deegaanka, duunyada iyo dadka,” ayaa laga soo xigtay Cadceed Goodir oo ah geyfane deegaanka u ol’oleeya.
“Mararka qaar tani waa cadaab. Waayo inagaa derintii aynu saarnyed dab ku shidayna,” ayay tiri Maamooy iyada wajigeeda ka meyreysa dhidid ka dhashay suudiga cadceedda. “Hayeeshe, maxaa kale oo laqaban lahaa?”
Maamooy doorashadeedu, sida ay sheegtay, waxay aheyd mid lamid ah doorasho qof kale naftiisa u xulo. “Dhuxul lama hurayo. Haddan deyn lahaana qof kale unbaa booskayga biirin lahaa,” ayay ku sharaxday iyada oo tilmaantay in—qof dowladnimo wax ku bartay ahaan—ay shucuurteedu ka dhiidhiso dhibta ku foolan faya-qabka deegaanka. “Tani waa hab-dhaqaaleedka ganacsigayga. Maxaan aniga oo kaliya deegaanka u qaban karaa?”
Dal dowladiisu xaalado badan oo halis ku ah jiritaankeeda uu shullaha ka dabray, badbaadinta deegaanka ahmiyad buuran kuma fadhiso.
Sida wasaaradaha siyaasadeed, wasaaradda deegaanku malahan miizaaniyad ku filan oo ay kaga hor-tagi karto fal-ka-dhanka deegaanka. Waxa kaliya ee wasaaraddu leedahay waa carab furan oo ay ku canbaareyso falalka deegaanka ku lidka ah.
Ku tiirsaanta xad-dhaafka ah ee dhuxusha awgeed, maamullada qaar ee dalka ka jira waxay wadaan tallaabooyin ay dadka uga wacyi-gelinayaan halista nabaad-guurka.
Somaliland waa meelaha qaar ee wacyi-gelin la xiriirta nabaad-guurka laga bilaabay. Waxaa ka jira dadaallo deegaanka lagu badbaadinayo. Halka ururo gaabis ah oo deegaanka u daneeyana koofurta Soomaaliya ay ka jiraan.
Hayeeshe, wali majirto horu-kac la taaban karo oo laga gaaray tallaabooyinkaas. Balse wax ka halbeeg-culus wacyi-gelin iyo canbaareyn ayaa loo baahan yahay si dabaadiga ka haray deegaanka loo daba-qabto.
Ol’ole ballaaran oo sanadle ah oo dhir beeris ah waa in lagu duwaa bulshada gaar ahaan bahda waxbarashada—iyada oo warfidiyeenkana loo adeegsanayo baraarujin saf-mar ah oo loogu yeerayo qeybaha kala duwan ee ku howlan dabar-goynta deegaanka inay dhimaan falalkaas.
Qeyla-dhaan lagu baraarujiyo halista ku jirta ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee dhuxusha iyo ol’ole dhir beeriseed oo la hir-galiyo si looga gaashaanto halista dabargo’eed ee deegaanka, Soomaali badan waxay rumeysan yihiin in deegaan curdin-cosob ah—oo qaadi kara baahida dad iyo duunyaba—dib loo dhalin karo. Taasna dadaal kasta lagu bixin doono si loo xaqiijiyo.
Maxamed Maxamed, oo 32-jir ah, maamulana ka ah dugsi sare, wuxuu sheegay inuu la niyad-jabo aragtida gaadiidyada ku-rimooran ee dhuxusha sida oo mustaqbalka deegaanka aasaya. “Maxaa deegaanka sidan loogu xabaalayaa?” ayuu is-weydiiyay Maxamed.
“Erey laguma koobi karo dhibta ballaaaran ee deegaanka lagu wado. Mana aqaan falalkan kadib sida loogu noolaan doono lama-degaan.”
Isha: Himilonetwork.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-09-09
You must log in to post a comment.