crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Jejniya oo ba’ iyo baadi u dhaxeeya | HimiloNetwork

Muslimiinta Jejniya oo ba’ iyo baadi u dhaxeeya

Grozny (Himilonews) – Ugu badnaan 20—sano kadib dagaalkii koobaad ee Jejniya, kumanaan qoysas ah waxay wali baadi-goobayaan dhimaallada xigtadoodii lagu waayay intii lagu jiray labadii burbur dagaaleed ee Ruushka, kolkaas oo kumaakun Muslimiin Jejniyaan ah lagu dilay.
“Mararka qaar, waxaan isku qabtaa dhaayaha waxaana arkaa wiilkayga. Waa sida isaga oo iisoo laabtay,” Zura Batayeva oo wiilkeeda la waayay 20—sano kahor ayaa u sheegtay Radio Free Europe.
“Waxaan arkaa isaga oo ila hadlaya. Waxaan arkaa isaga oo nagula sugan gurigayaga. Sidoo kale riyo ayaan ku arkaa.”
Hooyadan walaacsan, Batayeva, waxay ka hadlaysay wiilkeedii 27-jirka ahaa ee la waayay abaaji la’aan waxyar kadib markii taangiyada Ruushka ay galeen caasimadda Gronzy December 1994.
Betayeva waa mid kamid ah Jejniyaan badan kuwaas oo wali baadi-goob ugu jira haraadiga dhimaal ee xigtadooda si ay xabaal ugu sameeyaan.
“Waxa ugu daran waa inaan la ogayn waxa ku dhacay wiilkayga,” ayay tiri jeer ay gacanta ku haysay sawirka wiilkeeda oo teesare ah.
“Kaliya malaha ah inaynu wadajir noqon doonno kadib dhimashayda ayaa niyadda ii qaboojisa.”
Qoysaska quusta jooga ee Jejniyaanka ah sida Betayeva waxay xukuumadda ku dhaleecaynayaan inay iska indha-tirayso dhibtooda.
“Qofna inooma baahna. Dowladdu way nooga tagtay dhibteenna,” ayuu yiri seyga Betayeva, Abuyezid Batayev.
“Waxaynu kaalmo ka helnay dadka caadiga ah, hayeeshe iyagaba dhib ayaa heysta. Badi sidoo kale waxay baadi-goobayaan xigtadoodii.”
Hoggaanka Jejniya, Ramzan Kadyrov, kaas oo horfiiqaya ol’ole dib loogu dhisayo caasimadda burburtay ee Grozny, waxaa lagu eedeeyey inuu dalka ku dhaqan-galinayo hal-fiiradiisa gaarka ah ee Islaamka.
Waxay sidoo kale ururrada xaq-dhowrka ku eedeeyaan ku beegsiga fallaagada iyo qoysaskooda ciidamo tab iyo tayo leh kuwaas oo jirdillo iyo af-duub u geysta.
Badi dadka Jejniyaanka ah waxay maanta ku nool yihiin jamhuuriyadda Jejniya oo ah is-maamul hoosaad kamid ah Ruushka.
Marka loo eego tirakoobkii 2010, dad-weynaha jamhuuriyadda waxay ahaayeen 1.26-malyuun kuwaas oo 1.2 kamid ah ay Jejniyaan yihiin.
-Rajo-
Tiiyoo baadi-goob aan harsiino laheyn ay ku raadinaysay wiilkeeda 20-kii sano ee ugu danbeeyey, Batayeva waxay wali quudarreynaysaa inay heli doonto—iyada oo diidan inay quusato.
“Kolkii aan maqlo canug hooyadii u qeyshanaya, gadaal ayaan jalleecaa,” ayay tiri.
“Wali waxaan leeyahay waxoogaa rajo ah inaan maalin un dib ula midoobi doono wiilkayga.”
Waxay dib-u-tirisay inta jeer ee seygeedu uu xabaalo dhowr ah dul-geeyey oo ay faageen si ay haraadiga u tijaabiyaan iyaga oo wiilkooda baadi-goobaya.
Marka loo fiiriyo Zainap Mezhidova, oo u ol’oleysa xaq-dhowrka—taas oo cunugeedu iyadna ka maqan yahay—waxaa jira wali saddex xabaalo wadareed oo ay ku jiraan haraadiga dhimaallo gaaraya boqollaal qofood.
“Dhimaalladan waxaa loo baahan yahay in la heyb-aqoonsado. Waynu ognahay halkay ku aasan yihiin,” ayay tiri.
“Xukuumaddu waa inay nala baadi-goobto caruurteenna.”
Jejniya waxaa la dumay qalalaaso taniyo 1994 balse kadib wada-hadal dhex-maray xoogaga Ruushka iyo Mujaahidiinta Jejniya ayaa qayoodiyay dagaalkaas sanadkii 1996.
Dagaalkii labaad waxaa dib u oogay madaxweynihii hore Boris Yeltsin sanadkii 1999 wax-yar kahor intii uusan xilka ka dagin oo uu badalin Vladamir Putin oo ah madax-weynaha haddeer.
Banbooyinka badan oo lagu garaacay caasimadda Grozny sanadkii 2002-dii awgeed, waxay QM ku tilmaantay inay tahay “magaalada ugu burburka badan ee dhulka ku taalla.”
Ururrada caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha u ol’oleeya ayaa warbixinno isku xiran ku sheegay in kufsi, jirdil iyo silic-dilyo ba’an ay ciidamada Ruushka ka geystaan maalin kasta gudaha Jejniya.
Kumaankun ayaa u baxsaday jamhuuriyadda deriska la ah Jejniya ee Ingushetia kuwaas oo qaxooti ahaan ugu nool teendhooyin lagu xereeyey—iyaga oo ka cabsanaya inay dib ugu laabtaan guryahoodii sababo amni awgeed.
Ugu yaraan 100,000 oo rayid Jejniyaan ah—oo ka dhigan 10% tirada Jejniyaanka ah—ayaa lagu qiyaasaa in lagu dilay labadii dagaal ee ay la galeen Ruushka, waloow kooxaha xuquuqda Aadanaha u dooda ay tirada dhabta ah ku sheegaan inay intaas ka badan tahay.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!