crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xirfadleyda Japan: Shaqaale Xurmo iyo Xoolaba ku helay Xooggooda! | HimiloNetwork

Xirfadleyda Japan: Shaqaale Xurmo iyo Xoolaba ku helay Xooggooda!

Tokyo, Japan (Himilonews) – Marka aad joogto Japaan iska ilaali inaad howl-wadeennada nadaafadda magac-bixin uga dhigto xirfadooda. Naaneysaha muujinaya liidnaan xirfadeed, waa ka mamnuuc gudaha Japan. Waayo ma ahan shaqaale lamid ah kuwa Soomaaliyeed oo ixtiraam iyo qadarin ku waayay howshooda. Tani waa qadarin iyo xurmo-dhowr dadka reer Japaan u hayaan howlwadeennada ku mashquulsan faya-dhowrkooda.
Caadiyanba, dalka Japan lagama yaqaan xirfad laga sarreysiiyo xirfad kale. Gudaha Japaan, shaqaalaha nadaafadda waxaa lagu magacaabaa “Sanitary Engineer” oo ah faya-kaabka bulshada. Waxay hindise iyo hoggaanba ka yihiin qeybta ilaalinta caafimaadka, nadaafadda iyo dib-u-habeynta deegaanka. Nadaafadley la’aantood, Japaaniis badan waxay rumaysan yihiin dal horumaray oo hufan oo JAPAN la yiraahdo inaan la baran lahayn.
Looma eego shaqaalaha nadaafadda sida qof qashinka iyo wasaqda fogeeya, balse waxaa loola dhaqmaa sida kalkaaliye mas’uul ka ah dhowraarinta fayoobi ee deegaanka. Waxaa intaas dheer, gudaha Japaan, howsha nadaafadda iyo bilicda waa howl leyli iyo carbis loo galo kamid noqoshada shaqalaheeda. Xittaa haddii qofku uu ku dhacdo tijaabada caafimaadka, waxaa adag in shaqaale nadaafadeed loo qaato. Halka nadaafadleyda ku nool Soomaaliya ay qabaan liidnaan ku salaysan xirfadooda—waa Ayaanle—cawo iyo hooda leh, qofka ay dadka reer Japan u doortaan shaqaalahooda nadaafadda.
Shaqada nadaafadda iyo bilicda waxay kamid tahay xirfadaha ugu mushaharka badan gudaha Japan. 10—ka xirfadley ee ugu lacagta badan Japan, howl-wadeennada nadaafaddu waxay ku jiraan boosaska dhexe. Tani waa nasiib iyo naruuro ay shaqaalaha nadaafadda ee dalka Japan gaar u leeyihiin. Xittaa dunida Maraykan, lacagta uu shaqaalaha nadaafadda ee Japan bil ahaan u qaato, lamid ma ahan daqliga soo gala qofka caadiga ah ee Maraykanka. Marka loo eego aduun lacageedka uu shaqsi kamid ah shaqaalaha nadaafadda ee Japan ku fadhiyo, hadduu yimaado Afrika, wuxuu la jago yahay heer wasiir iyo iyo wax kasii sarreeya. Bishiiba aduun gaaraya 10—kun oo doolar ayuu mushahar ahaan u helaa shaqaale kasta oo kamid ah shaqaalaha nadaafadda.
Halka shaqaalaha nadaafadda ee ku nool caalamka Islaamka, siiba Soomaaliya, la diihaalsan yihiin xurmo la’aan, cunno-xumi iyo wixii lamid ah, shaqaalaha nadaafadda ee Japan waxay si dhamaystiran u helaan xuquuqdooda.
Xubin kasta oo kamid ah shaqaalaha nadaafadda ee Japan, wuxuu leeyahay guri ay u dhan yihiin agabyadiisa—gaari, dhalo, qasaalad, dhigdhiko, iyo wax walba oo ka baxsan baahidiisa aasaasiga ah—taas oo ah xaq uu ku helay xirfadiisa, kasokow muwaadinimadiisa. Waxaa intaas dheer, caruurta nadaafadleydu waxay heerka ay doonayaan ka tagaan dabaqad kasta oo nolosha kamid ah—kama duwana caruurta kale. Hadana, si lamid ah shaqaalaha kale, aroor kasta aabaha reerku wuxuu sida caadadiisa ahba ku baxaa gaarigiisa—deedna shaqo tagaa.
Dal bilic leh iyo dad bad-qaba, waxaa abuuri kara howl adag oo ay hagar la’aan ku qabtaan shaqaalaha nadaafadda. Waana fahamkeeda oo qura waxa Japan ka dhigay dal hufan oo ay ku nool yihiin dad caafimaad habboon. Waana faham la’aanteeda waxa Soomaaliya ka dhigay dal fadaro ah oo ay ku nool yihiin dad aan jir ahaan fayoobayn.
Inkasta oo ay adag tahay in la isla barbar-dhigo dal, sida Japan, u horumaray hadana waxaa hubaal ah in wax badan laga baran karno waaya’aragnimadooda. Qadarin barax-tiran iyo xurmo-dhowr hiil u dhigma waa in loo hibeeyo shaqaalaha nadaafadda ee Soomaaliya. Markaas ayaa, si lamid ah Japaan, loogu dabaal-degi karaa dal hufan, horumarsan oo ay ku nool yihiin dad habboon caafimaad ahaan.
Balse taasi waxay ku jirtaa hab-dhaqan suuban, laakiin, inta shaqaalaha nadaafadda Soomaaliyeed lala daba-joogo caay iyo canbaareyn, waxaa marti aan la mahdin noo ahaan doona cudurro faafa oo galaafta nolosheenna iyo ceyr aan tahli wayno kasoo kabsashadeeda.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!