crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 70—sano kadib Mahadhadii Hiroshima, JAPAN waxay ku baaqday NABAD | HimiloNetwork

70—sano kadib Mahadhadii Hiroshima, JAPAN waxay ku baaqday NABAD

Muqdisho (Himilonews) – Isugu soo bixista ban-dhig lagu xusayay musiibadii Hiroshima, madaxda Japan waxay Nugliyeerka ku sheegeen colka nolosha, tiiyoo wali loo kala dheereynayo sameysashadiisa. “Waa in dunida lagu wadaa hab ku dhisan is-faham iyo wada noolaansho,” ayaa laga soo xigtay isaga oo dhahaya ra’iisul wasaaraha Japan oo ka qadka tilifooonka uga qeyb-qaatay munaasabadda lagu xusayay dhacdooyinkii mahadhada reebay ee Hiroshima iyo Nagosaki. “Wax kasta waa in lagu horumariyaa is-faham si wada noolaanshuhu u jiro.”
8:15—aroornimo 6-dii Agoosto 1945-kii, oo ah dharaar dadka reer Japaan uga duwan dharaaraha kale, waa maalintii ugu horreysay ee dunida laysku adeegsado hubka wax gumaada ee Nugliyeerka. Waxaana lagu tuuray magaalooyinka Hiroshima iyo Nagosaki ee Japan. Ku dhawaad 140,000 oo qof ayaa ku dhintay musiibadii Hiroshima. Balse wax ka yar 10-sano, Japaan waxay dib ugu soo kabsatay mashaqadaas. Intii u dhaxeysay 60-70—meeyadii, Japan waxay kamid noqotay saddexda dal ee ugu tanaadsan dunida. Maanta, Japaan waa dalalka aduunku ugu sarreeya dhinacyada tiknoolojiyadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Marka loo eego dadka reer Japan, dhacdadii Hiroshima waxay u ahayd faa’iido. Mar la weydiiyay dadka reer Japaan haddii ay Maraykanka neceb yihiin maadaama uu gumaaday, waxay sheegeen inay qadiyaddu necbaan iyo jeclaan ahayn balse muhiimadu tahay sida dadka reer Japaan uga faa’iideen dhacdooyinkan. Waxay tilmaameen inay dhacdadani dadka reer Japaan u jiheysay inay kasoo jeestaan hadimmo ay usoo jeestaan horumarin. Taas oo wax-yar dabadiis Japaan ka dhigtay dalka labaad ugu tanaadsan dunida.
Musiibadii Hiroshima ayaa dhacday intii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunida. Maraykanka oo kamid ahaa safkii kasoo hor-jeeday Jarmalka iyo Japaan ayaa qunbulad Nugliyeer ah ku tuuray magaalooyinka Japaan ee Hiroshima iyo Nagosaki. Taas oo gabagabadii soo af-jartay dagaalka.
Intii ay hadaba socotay munaasabadda lagu xusuusanayay dadkii ku naf-waayay musiibada, dadka reer Japan waxay cod mideysan dunida ugu yeereen inay ifka nabadiisa iyo nagaadigiisa ka shaqeeyaan.
Boqollaal waayeello ah oo xiran maryo lagu xardhay “Nabad” ayaa socod kusoo maray waddooyinka waaweyn ee Hiroshima iyaga oo ugu danbeyntii kusoo ururay banka weyn ee fagaaraha Nabadda. Waxaa kale oo la arkayay caruur ubaxyo—gaaraya 140,000 oo ka dhigan tirada dadkii ku dhintay musiibadii Hiroshima—dhigaya fagaaraha Nabadda.
“Dagaallada iyo dirirta boos kuma lahan gudaha Japaan,” ayuu yiri madaxa Mat-xafka nabadda ee Hiroshima. “Waxaynu nahay dal u furan nabad iyo nolol.”
Dagaalku waa shaqada Ninka. Waa burburka nolosha Aadanaha. Dagaalku waa dhimasho. Inaad xusuusato tagtadii waxay ku hagtaa timaadada. Inaad Hiroshima xusuusato, waa inaad diido Nugliyeerka. Inaad Hiroshima xusuusato, waa inaad Nabadda u ol’oleyso ayaa lagu qoray afaafka hore max-tafka Nabadda ee Hiroshima.
Dadowga Maraykanka raali kama ahan wixii ay xukuumadoodu dadka iyo dalka Japan u geysatay. Waxay eedda dusha kawada saareen Siyaasiyiinta oo ay ku sheegeen kuwa abuuray musiibada. “Way igu adag tahay inaan halkan soo booqdo. Waan diidanahay wixii dhacay. Waana tacsiyaynayaa kuwii naftooda ku waayay musiibada,” ayay tiri muwaadinad Maraykan ah oo baroor-diiqaysay. “Aniga oo kale kama danbeyn wixii dhacay,” ayay sii raacisay iyada oo ilmaynaysa.
70—sano kadib, muuqaallada Hiroshima iyo Nagosaki ayaa muujiyay ifafaalo nabadeed oo rogaal ka ah colkii shalay. Waddooyin halloosi ah, taallooyin qurux badan iyo dhismayaal isugu jira duug—qeexaya sooyaalkii shalay iyo danbeed ka dhigan hana-qaadka casriga ah ee maanta ayay fogaan-aragyadu qabanayeen—kuwaas oo dunida kusoo eegaya fiiro nabadeed. Raadka qura ee ka haray Musiibadii Hiroshima wuxuu ahaa dhismo kor ka jajaban kaas teed looga dhigay gidaar yar si loogu baraarugo halistii qunbuladda. Balse wali dhacadadii Hiroshima waxay dunida ka tahay maalin loo asteeyo burburka Insaaniyadda.
Inkasta oo dadka reer Japaan ay dhibaatooyin badan ka dhaxleen musiibadii Hiroshima, hadana waxay tusaale nool u noqdeen qiimaha dib-usoo kabsashada iyo in haddii la kufo durba la kici karo. Halka baal door ah oo ku aadan wax-cafinta ay dunida u bilaabeen.
Waase dunida ka baxsan Japaan, siiba Soomaalida, kuwa looga fadhiyo inay casharo nool-nool ka bartaan waaya’aragnimada dalka Japaan. Hayeeshe, inta aanay jirin fal-celin lamid ah midda Japaan ay kaga soo kabsatay dhibaatadii gaartay, duni Afrika kamid ah waxay waligeed ku jiraysaa hayaan aan himilo iyo hiigsi toona lahayn.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!